Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka Gilgishay eedo lagu Xidhiidhiyey Ku Lug lahaanshaha Dirirta Dharkeyn Geeyo ee Gobolka Sool
Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Goboladda Bariga Somaliland Md Cabdirashiid Xuseen Cabdalle (Gargaar), ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso weftiyo kala duwan oo Wasiiro, guddi guurti iyo Madax dhaqameed goboladda Somaliland ka kala tegay oo ku sugan gobolka Sool si ay uga qayb qaataan daminta colaada Beelaha walaalaha ah Deegaanka Dharkeyn Geenyo ku dagaalamaaya oo hawsheeda lagu jiro.
Md Cabdirashiid Xuseen Cabdalle (Gargaar), ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay Xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyadda Somaliland ku qabtay, waxa uu ka hadlay halka ay marayso nabadeyntii Weftiga Wasiiradda ah oo ay weheliyaan Guddi Aqalka Guurtidda iyo Madax dhaqameedka goboladda Somaliland, ay ka dhex wadeen Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Dharkeyn Geenyo ee gobolka Sool, isaga oo hoosta ka xariiqay in aan wax dedaal ah Xukkuumadda, aqalka guurtidda iyo Madax dhaqameedka Somaliland iyo cid kasta oo hawsha ku jirta oo gacan lixaad leh ka helaaya Ciiddanka qaranku lagu jiro sidii colaadaasi loo soo afjarilaha beelahaasi walaalaha ahna nabadoodii iyo wanaagoodi wanaag loogu soo dabaalilahaa.
Wasiir Md Cabdirashiid Xuseen Cabdalle (Gargaar) oo ugu horeyn ka hadlaayey halka uu maraayo nabadeynta ay weftigii Xukuumadda ka socday ka dhex wadaan Beelaha deegaanka dharkeyn Geenyo ku dagaalamay waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo Beelaha walaalaha ah ee Mashaqadu ku dhex martay deegaanka Darkeyn Geenyo ee gobolka Sool, waxa weeye waa run oo dawladdu gurmadkii ugu badnaa ayey sameysay mushkilada halka ka dhacday oo Ciiddanka qaranka Somaliland, guurti iyo Salaadiin wasiiro kala dam dambeeyey oo dhawr qaybood ah Xildhibaano Abaabulka ilaa xadkaas ah masuuliyiinta heer gobol oo iyaguna ilaa xad u dadaalay amniga oo dhinac walba layska taagay gurmad yacnihii dhamaystiran ayaa dawlad iyo cid walba arintaasi daminteeda laga galay, waxase weeye qadarta inagu ma baajin karo oo wixii dhimanaayana Illaahay ayaa qoray ee inaga dadaalka ayaa nay la faray oo dawladdu waxay meesha ka gashay dedaal intii ugu badneyd oo anigu mudo ka dib ayaan deegaankaasi tegay markii muskiladu ka dhacday oo ilaa meelahaha wax ka dhaceen ee Ciiddan beeleedyadda iyo Ciiddanka qaranku ku sugan yihiin ayaan tegay oo wixii aanu isla hayn nabad gelyo iyo islaax ayaa lagu helayaa aad iyo aad ayaanu uga shaqaynay, laakiin maanay gaadhin heer inta labadii dhinac laysku keeno Ciiddamadii la kala qaado, balse hadii aanay ciiddanka qaranku meeshaasi tegi oo kala dhex geli laheyn labada dhinac magaalooyinka la wada degan yahay sida Dharkeyn Geenyo, Lumay iyo Dabataag, waxaan is leeyahay khasaare inta aad uga badan ayaa dhicilahaa waana xaqiiq”
Cabdirashiid Xuseen Cabdalle (Gargaar) oo sido kale ka hadlaayey doorka nabadeynta ee Ciiddanka qaranka ay ka dhex wadaan Beelahaasi colaadu dhex martay wuxu yidhi “Waxa weeye Ciiddamadda qaranka ee madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) amray iyo Xubnihii weftiyadda Wasiiradda iyo madaxda kale ahaa ee aan ka midka ahaa dedaal badan ayey sameeyeen iyaga oo kaashanaaya Guurtiddii iyo madax dhaqameed iyaguna hawsha meesha u tegay si ay nabadeynta uga qayb noqdaan oo iyaguna hawsha si fiican ayey u galeen oo u qabteen mudo hada 18-kii Bisha waxaanu isku keenay labadii Beelood kuwaas oo aanu qoloba gaar u la kulanay oo anaga iyo guddiyadii golaha guurtidda iyo madax dhaqameedkii kale waxaanu gudoonsanay in baaq nabadeed la sii daayo, waxay isla garteen inay isku soo golo fadhiistaan oo waxa laysla gartay in la wada hadli karo, hadana dee meeshii waa yimi oo dadkii wali waa hubaysan yahay oo mushkiladana waxay aheyd mid mudo soo jiitamaysay ee maaha mid hada uun qaraxday, sida darteed horta wakhti ayey qaadanaysa in la soo afjaro xag ciidan iyo xag aslaax iyo xag xaajoba, wakhti ayey qaadanaysa in la soo afjaro, laakiin dadaalkii ugu badnaa ayey ugu badnaa ayaanu ku bixinay oo ta hada dhacaysaan waxay noqotay mid ah mushkiladu siday u abuurantay waa arin sahal ah wixi hore Illaahay ayaa qoray ee dhacay wixii kalena Illaahay ayaanu uga rajaynaynaa in ay si sahal ah ku dhamaato oo wixii ku dhaawacmayna Illaahay bogsiiyo iyo in wixii ku dhintayna Illaahay Caafiyo, waxaan mar kale baaq ugu celinayaa Beelaha Deegaanadda Darkeyn Geenyo ku dagaalamay ee walaalaha ah ee aanu og nahay in aanay marnaba kala maarmi karin in aan arinta lagu sii fogan mushkilada colaaduna aanay inta dhaafin”
Wasiir Gargaar waxa si adag uga jawaabay dad uu farta ku goday oo warbaahinta u adeegsada eedeymo aan macno ku fadhiyin oo isaga ka dhan ah isaga oo sido kale sheegay inay Xukuumaddu diyaar u tahay talaabo kasta oo colaadaasi lagu damin karo waxaanu yidhi “Waan ku arkaayey Warbaahinta qaarkeed oo saaka waxyaalo iga qoray aniga, balse waxaan u fiirsadoba maaha, mida kale waxaan filayaa kuwa waxa qorayaa waa kuwo Adhigii laga la quustay oo doonaya in Geela loo diro hada waa kuwii adhiga celintiisa ku Fashilmay, kuwa waxaan u sheegayaa Xukuumaddu way doonaysa adeer meel walba ciday u dirayso iyo ciday ku aaminayso, shacabka deegaankuna waa og yihiin cidda Kalsoonidooda haysata ee wax u qabanaysa, qolyaha waxa dabada ka wadana waxaan leeyahay waar si kale wax u dhiga Siyaasaddu hinaase maaha ee waa garasho iyo sida wax loo maareeyo qolyahaana, waxaan umadda Somaliland u sheegaya go’aanka dawladdu waxa weeye mar walba wax aliyaala wixii ku haboon ayaa la qaadanayaa oo sidiii ay u sheegeen wasiirka arimaha guddaha iyo badhasaabka gobolka Sool waxa weeye wax kasta oo lagu dejin karo iyo dariiq kasta oo dawladdu u mari karto waanu sameynaynaa Ishaalaah”