|

Guddoomiye Cirro Iyo Maamulka Shirkadda Dp-World Oo Imaaraadka Ku Qaatay Kulan Gaar Ah Iyo Nuxurka Kulan Albaabada La Isu Xidhay

Dubai 28.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa martiqaad rasmi ah u fidisay oo waddanka Imaaraadka Carabta ku casuuntay Shirkadda Dubai Ports World oo ah shirkadda iyagu quuddaraynaysa in ay heshiis rasmi ah kula wareegto Maamulka Dekedda Berbara iyo maalgashigeeda oo ay xukuumadda Somaliland in muddo ah ka wada hadlayeen walina aan la isla gaadhin heshiiskii kama dambaysta ahaa.

Cirro and DPWWararka naga soo gaadhaya magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxaya in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Masuuliyiinta shirkadda DP World ay kulan ballaadhan ku yeesheen magaalada Dubai kadib markii ay si rasmi ah madaxda DP World ugu casuuntay Guddoomiyaha WADDANI shir ay labada dhinac kaga arrinsadaan heshiiska la filayo in ay shirkaddaasi kula wareegto Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga WADDANI ka dhigaya masuulkii Mucaarid ee ugu horreeyey ee maamulka shirkaddaasi kulan gaar ah la qaata kadib muddo dheer oo ay iyaga iyo xukuumadda Somaliland wada lahaayeen shirar badan, waxaanay wararkani intaasi ku darayaan in Masuuliyiinta shirkadda DP World oo ka war hayaan culayska heshiiskaasi iyo mucaaradada badan ee uu ku leeyahay shaaraca dalka ay door bideen in ay Guddoomiyaha WADDANI kulan ugu yeedhaan maadaama uu sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro masuul ka yahay Golaha Wakiilada Somaliland oo ah hay’adda dastuuriyan xaqa u leh in heshiiskaasi la soo mariyo ugu dambayn haddii ay xukuumadda iyo shirkaddu wada saxeexaan heshiiskiisa rasmiga ah.

Saraakiisha ugu sarraysa Shirkadda DP World iyo Guddoomiyaha WADDANI ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xaaladaha ku gedaaman heshiiska hor dhaca ah ee ay shirkaddaasi xukuumadda la gaadhay iyada oo dhinaca kalena masuuliyiinta shirkaddani Guddoomiye Cirro ka codsadeen in uu golihiisa kala shaqeeyo sidii ay u baas garayn lahaayeen heshiiskaasi haddii ay xukuumadda iskula af gartaan ugu dambayna loo soo gudbiyo fadhiga Golahaasi, waxaanse la ogayn waxa uu Guddoomiye Cirro ka yidhi codsiga shirkaddan iyada oo wararka qaar sheegayaa in xukuumaddu ka dambaysay arrinkan oo ay maamulka shirkadda DP World ka codsadeen in ay la kulmaan Guddoomiye Cirro maadaama uu yahay Guddoomiyaha Mucaaridka ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Guddoomiye Cirro ayaa la filayaa in uu maanta dalka ku soo guryo noqdo kadib safar muddo qaatay oo uu dibadda ugu maqnaa.

Comments are closed