|

Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Saaxil Oo Xukuumadda Uga Digay Sii-Wadista Wareejinta Dekeda Berbera,Qoraalo Digniin Ingiriisi Iyo Carabi Ku Qorana U Diray Dp-World AKHRI

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):-   Salaadiinta,Cuqaasha iyo Waxgaradka ugu Miisaanka Culus Gobolka Saaxil oo shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen markale Xukuumadda uga digay inay ku sii adkaysato Wareejinta Marsada Berbera,waxa ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu hadlo oo uu tafaasiil ka bixiyo Wax ay ugu yeedheen Qaflad la doonayo in Ishii keli ahayd ee Qaranku lahaa lagu wareejiyo shirkad Ajinabi ah.

IMG_0635Waxa kale oo ay Soo bandhigeen oo ay goobta ka akhriyeen Qoraalo Luuqada Ingiriisida iyo Carabida ku qoran oo ay shirkada DP-World uga digeen inay Maalkooda ku bixiyaan fidmo ka aloosanta Somaliland,waxa ay qaab diblomaasiyadaysan Fariin ugu direen Masuuliyiinta Shirkada DP-WORLD inaanay ku deg degin Maalgalinta Dekeda Berbera oo ay ku sifeeyeen inaan Dadka Deegaankaasi degan aan wax wada tashi ah Xukuumaddu kala samayn,Islamarkaana ay dhici karto in iska hor imaad dhex mara Xukuumadda iyo Dadka Deegaanka Berbera.

Ugu horayn waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay oo furay Suldan Cabdilaahi Dirays,waxaana uu yidhi “Anagoo ah Cuqaashii Gobolka Saaxil waxaanu ka hadlaynaa arinka Dekeda Berbera ee la yidhi waxa lagu wareejinayaa Hay’ad Imaaraati ah,hadaanu nahay Dadka ka soo jeeda Gobolka Saaxil Ma ogolin,Dawladana waxaanu leenahay Arinkaasi ka fiirso,Waxa jira Qolo reer Bari ah oo dawladaba ka soo horaynaysa,oo ka caytamaysa Warbaahinta,waxaanu leenahay Nimankaasi,Waar ma dawlada ayaad Somaliland ka xigsanaysaan,Dawladaanu wada hadlaynaa Ma dawladaa tihiin,waxaan leeyahay nimankiinaasi Malaha waynu ishuranahaye,laakiin didibsada oo edeb yeesha,mida labaad,Madaxweynaha waxaan leeyahay Khudbadaadii 26-June Waxaa ku jirtay Indho Qudhaanjo ayaanu leenahay,Waanu ka badheedhnay,Waananu ka badheedhaynaa,Waanaynu ka wada hadli,Gobolka Saaxil Hore ayay dawladu ugu dhaceen,Tana inay raacayso ayaan umalayn,Waxaan hadalka kaga baxayaa,Waar nimankiinaa Bari ka soo hadlayaa Edaab yeesha,Dawladuna ha isku kaaya daba taagto Arimaha Gobolka Saaxil,oo dusha yaanay nagaga iman,Haddii kale waanu rafan” ayuu hadalkiisa kuu soo koobay,

Caaqil Gaas Saleebaan ayaa isna waxa uu yidhi“Xukuumadda waxaan looga baahan yahay Inay dhisto qaranka inay Dumiso loogama baahna,Nin walba Illaahay meel ayuu ku biiray,Gobolka Saaxil Waxaad moodaa inay ku mashquushay Xukuumaddu,Waxay ka soo bilawday Meesha la yidhaa Shamiitada,Waxay ku xig siisay Meesha la yidhaa “Net Fishka”Waxay ku xigsiisay Meesha la yidhaa “Laydhka”,Waxay ku xigsiisay Meesha la yidhaa Haamaha,Maanta dekeda ayay maraysaa,Hadaanu hore wax u aqbalnay ma aqbalayno Maanta,Abwaan Dhoodaan ayaa laga hayay “Hashaan Gaado waynaw libaax uga Gaboon waayay,Inaan Goroy Cawl uga tagaa Waa Wax soo gudhay”,Arinta Dekeda Nin yar iyo Nin Wayn,inta hal naaskeeda gaadhaa naga hadhayso,Cid uga tagi mayno,waxaan kale oo aan leeyahay “Madaxweynuhu ha hadlo waa haduu nool yahay,oo uu dhulka joogo,Ha hadlo,Yam yam iyo Qadaad wayn ayaa nahaysatee,Isma aragnee ha hadlo,Waa hadii uu joogo,Hadaanu joogina waanu iska celinaynaa” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Jiif Caaqil Gaas.

Oday Filibiin oo halkaasi ka hadlay ayaa isna waxa uu yidhi“halkan maanta waxaanu isku nimid inaanu jawaab cad ka bixino Shirkada Imaaraatiga ah ee Xukuumaddu mar Dhinac nagaga keenayso hadaanu nahay Gobolka Saaxil,Waxaanu u sheegaynaa oo aanaan marnaba Ka laabanayn hadalkayaga cad iyo Mawqifkayaga cad ee aanu ka qabno Wareejinta Dekeda Berbera hadaanu nahay Dad Yawga Reer Saaxil,Waxaanu leenahay dhagax walba halkii Alle dhigay ayuu yaalaa,Hore ayaanu u sheegnay,habar ayaa buulkeeda laga baryaa,oo wax laga waydiiyaa,Xukuumadda waxaanu u sheegaynaa,Kuwa isku dayaya waxaanu u sheegaynaa Alle anaga halkan nagu beeray Hadaanu reer Saaxil nahay oo wax lanaga waydiinayo laakiin Imaaraati ayaan heshiis la soo galayaa iyo ficiis ayaan keenayaa, Walaahi inaanay waxba ka jirayn,Haku afbeelina,Haku karaamo seegina,Qaar hore ayaa ku karaamo seegaye,waxaan leeyahay Xukuumad yahay haddaad Caafimaad wax ku maamulaysid,HAA,laakiin,Cimri tagay Ceeb laguma sagootiyo oo lix bilood ayaa hadhaye,ee Cimrigiina Ceeb haku sagootiyina,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Waxa kale oo shirkaasi Jaraa’idka ka hadlay Cuqaal iyo Wax garad kale oo badan kuwaasi oo si adag uga hadlay sida ay uga soo horjeedaan Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera. Waxa gabo gabadii kulankaasi ka akhriyay Qoraalo digniin ah oo loo diray Shirkada lagu wareejinayo Dekeda Berbera ee DP-World Aqoonyahan Ibraahim Cabdilaahi Awcabdi,Qoraaladaasi oo ku qornaa Afka Ingiriisida iyo Carabiga,Qoraaladaasi oo shirkada loogu sheegay inay ka fiirsadaan maalgashigooda oo aanay fidmo ka dhex abuurin Somaliland.

Akhri Lifaaqa Qoraalada Carabiga iyo Ingiriisida ah ee Shirkaasi jaraa’id laga akhriyay ee loo diray Shirkada DP-World:

1-2 (1)1-1

 

Comments are closed