|

Mudo Lix Sannadood ah oo Cilaaqaadkoodu Xumaa Aakhirkii Way Heshiiyeen Turkiga iyo Israeli 

Ankara  28 , June , 2016 –(SDN/QJ):-Isra’iil iyo Turkiga ayaa la sheegayaa inay ka heshiiyeen sidii ay usoo celin lahaayeen Xidhiidhkii ka dhaxeeyay labada dal oo xumaaday sanado ka hor.

erdogan_and_netanyahu_cc_cc_10113Xidhiidhkoodu waxaa uu aad u sii xumaaday lix sano ka hor markii ciidamada Israa’iil ay dileen sagaal qof oo Turkiga u dhalatay.

Dadkaasi waxay saarnaayeen markab gargaar u siday Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Israa’iil waxay sheegtay inay dooneysay inay hubiso in markabkaasi uu hub siday iyo in kale.

Laakiin weerarka Israa’iil waxa uu isu badalay qalalaaso, waxaana ku dhintay dad arrimaha gurmadka ka shaqeynayay oo Turkiga ka safray.Balse saraakiisha labada dhinac waxa laga soo xigtay ayagoo sheegaya in maanta ay shaacinayaan qodobada ay ku heshiiyeen.

Comments are closed