Maayarkii Hore ee Hargaysa Eng Jiciir oo Tacriifado Duqa Haatan ee Hargaysa ku soo rogay Wershadaha Waddaniga ku Tilmaamay Caqli Xumo
Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Ururka Wershadlayda dalka Somaliland ee loo soo gaabiyo (UWD), ayaa cabasho ka muujiyey Lacag Tacriifo cusub oo uu ku kordhiyey Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), waxaanay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u joojiyeen guud ahaanba Biyihii Wershaddahooodu soo saari jireen ee Caagaddaha Yar yar ee dalka gudihiisa lagu isticimaali jiray.
Ganacsatadda Wershadleyda Somaliland, waxay ku dhawaaqeen inay guud ahaanba joojiyeen wax soo saarkoodii Biyihii Caagaddaha yar yar ee dalka lagu isticimaalo iyaga oo Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ku eedeeyey in uu Albaabadda u xidhay isla markaana Istabaha magaaladda laga soo galo ku xanibay mudo saddex maalmood ah gaadiidkii siday Biyaha ay soo saaraan ee caagaddaha ku jira oo uu ku kordhiyey Caagaddaha yar yar Biyaha 1.5Liter qaada Saddex Boqol oo lacagta shilinka Somaliland oo ay sharci daro ku tilmaameen iyaga oo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa iyo Hay’addaha sharci dejinta ugu baaqay in uu badbaadiyaan Warshaddihii waddaniga ahaa ee dalka oo Maayarka Hargeysi burburinaayo.
Guddoomiyaha ururka Wershadlaydda Somaliland Maxamuud Sheekh Cumar oo ugu horeyn Shirka Jaraa’id u jeedada ay u qabteen iyo waxa ay urur ahaan ka cabanayaan iyo ciday fariinta u dirayaan ka hadlay wuxu yidhi “Usbuuci hore ayaa Maayarka Caasimadda Hargeysa ku soo rogay Warshaddaha Biyaha iyo Sharaabka Cashuur ah, Calaa Caagad oo uu isagu soo samaystay, Caagadda yare e (750ml) qaada wuxu ku soo rogay Kun iyo Shamboqol oo shilinka Somaliland ah, halka Caagadda qaada (1.5 Liter) uu ku soo rogay Saddex Kun oo Shillinka Somaliland ah, waxaanu Gaadhiga sida 1500 Kartoon (Kun iyo shan boqol oo kartoon) ka Biyaha Caagaddaha ah uu ku soo rogay Cashuur u dhiganta ($720) oo dollar, sido kale Gaadhiga sida 750 oo Kartoon waxa uu ku soo rogay in laga qaado lacag dhan ($360 dollar), taas oo kordhinaysa Qiimaha kala badh inta ay maanta joogto ahna Qayrul Sharci oo aan meelna distoorka Somaliland kaga jirin, waxaanu sido kale Maayaruku diiday Xataa Baabuurtii Transite-ka aheyd ee Biyaha Wershadduhu soo saaraan goboladda geyn jirtay, waxaanu umadda u sheegayna dawladda hoose waxay naga qaada lacagan soo socda, 1 Liiska Ganacsiga oo ah Sanadle, 2 Boodhka ay Warshadduhu Leeyihiin (Sign Boards) iyio Ardayadda dhulka , 3 Stickers-ka ku dhejisan baabuurta Warshaddaha, 4 Xaqul qashin (Rubbish Collection Tax), 5 Gawaadhida warshaddaha ee soo galaya magaaladda waxa laga qaadda waxa laga xaqul Xashiish”.
Maxamuud Sheekh Cumar oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “Dawladda dhexena waxay qaada Cashuurta wax soo saarka, sida 1 Cashuurta qaadista (Sales Tax) oo ah Bil kasta, 2 Cashuurraha (Payroll Tax) oo ah bil kasta, 3Cashurta macaashal macaashka oo sannad walba ah (Incom tax), 4 Iyo Liisanka ganacsiga (Industrial License), hadaba iyada oo intaasi oo dhami jirto todobaadkii ina dhaafay waxaanu isku daynay in lays qanciyo, waxaananu kulan la yeelanay Wasiirka Arimaha Guddaha, Wasiirka Wershaddaha Duqa Caasimadda iyo anaga oo ah ganacsatadda Wershadlaydda ah, nasiib daro kulamo badan oo aanu yeelanay wax kasta oo lagu balamay waxa buriyey Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Soltelko oo ay cidina fahmi wayday, hadaba aniga oo ku hadlaaya afka ururka Wershaddlayaasha Somaliland, waxaan leeyahay dawladduhu way kabaan Wershaddaha dalkooda waana laga ilaaliyaa dhibaatadda, Mayarka caasimadda Hargeysa waxa cad in talaabadani ay caqabad ku tahay warshaddaha in la soo saaro wax aanay qaadikrin sharcina loogu lahayn, hadaba waxaan dalwadda dhexe Baarlamaanka, Maxkamadda Sare intaba ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan dhibaatadda warshaddaha dalka lagu hayo”. Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa kana mid ah ururka ay ku mideysan yihiin Wershadda Dalka ee Somaliland (UWD) oo isagu ka hadlay Shirka Jaraa’id ee ururkaasi kaga soo hor jeestay Lacagta lagu soo rogay wuxu yidhi “Arintu waa inay laba qodob midkood uun noqota oo ta ugu horeysa waxa weeye Maayarka iyo golaha deegaanka Hargeysa xeer markay soo saarayaan ama Tacriifo ay soo saarayaan, waxa laga la tashada dadka ay qusayso ee ay iyagu maamulka u hayaan, tusaale ahaan hadii ay Caagaddo ka cabanayaan ama wershaddaha ka cabanayaan waa inay u yeedhaan oo ay kala tashadaan oo ay u sheegaan wixii ay ka cabaayeen waxaba laga yaaba inay xalka loo sameynlahaa, horta waxaaba ayaan daro ah in aanu Maayarku kala tashan cidii waxani qusaysay, ta kale waxa weeye Qashin marka laga hadlaayo xaqal xashiis ayey dawladda hoose ku leedahay cid kasta oo muwaadin ah iyo cidii keeni karta Bucshiro labadaba, xaqal xashiishkii hadaba dawladda hoose waxay ku leeyihiin Caagadihii yareyd ee Haaf Litirka ama Litir iyo Badhka aheyd ee Biyaha aheyd ayaanu ku ciqaabaynaa wershadii soo saartay, taasi horta waa qalad wax sharci ah oo jirana maaha oo caagada Mubaasixadu waxay qashin noqon karta marka la isticimaayo ee la tuuro, tuuristaana hadii aan weel loo sameyn Guri dhexdii ayey ku jirta ama meheraddii iibinaysay ayey ku dhex jirta, balse qofka Iibsada caagadda yar ee Biyaha ah ee dariiqa ku tuuro marku isticimaalo masuuliyaddeeda waxa iska leh dawladda hoose oo waxay aheyd in dariiqyadda loo dhigo meelo lagu rido waayo Qashinka guriga ka soo baxayna gurigii ayaabu yaala kii meherad ka soo baxayna waa meheradiibu yaala intaba dawladda hoose way ka qaadaan xaqul Xashiishka”. Eng. Xuseen Jiciir wuxu inta ku daray “Iyaga oo dawladda hoose intaba xaqul xashiishkii ka qaada oo ay ku jirto Ardayadii oo Liisankii ku jiro, anaga ka wershadlayaal ahaan waxaaba noo dheer gaadhi kasta oo sida agabka ay werhaddaheena yar yare e waddaniga ahi soo saaraan marka uu Istabta soo istaago ayaa Xaqul Xashiish gaadhi kasta laga qaada oo ka badan waxan oo dhan, lagu ma ciqaabi karo wershadda lacagtan ay caagadda hoose dulsaareen oo sharcina maaha, sababtaanan idiin sheegayaaye ee marka uu qofku Caagadda uu Biyaha ama sharaabka ka cabo la ma yidhaahdo shirkaddii ayaa la ganaaxayaaye qofkii tuuray qofka tuuray ayaa la ganaaxa, fahma marka (Maayarka iyo golaha deegaanka Hargeysa), anigu marka waxaan caqliyan leeyahay qofka caagadda tuuray qashinka ha lagu ganaaxo, imika maayarka sidan waxa u dhaantay in uu yidhaahdo qashinka guri kasta hortiisa yaala waan ku ganaaxayaa oo dariiqyaddana qofka xabada sharaabka ah tuura ama Caagadda biyaha ee madhan waan ganaaxayaa, imika kuwii dalka ayuumbu arkay oo ganaax iska dul dhigay ee wixii qashin ahaa ee dibadda ka imanaayey ee Bariislahaa ee sharaablahaa ee Saliidlahaa ee wax kasta lahaa Xagu ku ganaaxayaa, marka lacagtani sharci maaha,”
Sheekh Ismaaciil Bookh oo ka mid ah ururka Wershaddlayda dalka oo isna Shirka Jaraa’id ka hadlay wuxu qaylo dhaan ka muujiyey Saameynta gaadiidkii iyo hawlihii shaqo ee Wershaddaha Biyaha soo saari ka soo gaadhay Amarka Maayar Soltelko dul dhigay waxaanu yidhi “Shirkayagan Jaraa’id waxaanu u qabanaynaa waxa weeye waxa la yidhi Dheriga maxa karka ka keenay dee waa kulaylka saw maaha, waa arin aanu mudo badan oo 10 maalmood ka badan maareynaynay oo aanu dabasoconay, laakiin waxba ka hirgeli waayeen, waxa weeye mudo 10 maalmood ah Gaadiidkii shirkaddaha Biyaha yar yar lacabo ee moorgaysan ee Haaf Litirka ilaa Litir iyo Badhka ah ku jira ayaa na lagu sooray lacago xad dhaaf ah oo aanaan qaadi karin, taas oo uu nagu soo rogay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko, mudo saddex maalmood ah Istabaha laga soo galo Hargeysa ayaa gaadiidkii lagu hortaagan yahay, waxa naga haysta mushkilad khasaare ayaa naga soo gaadhay gaadiidkii ayaa Taayaradu balaadheen culeyskii Biyaha markii uu maayarku diiday inay magaaladda Hargeysa soo galaan, wax aliyaala wax sharciyad ah ama meel ay ku qoran tahay lacagtan uu caagadihii yar yaraa ee Biyaha umaddu cabaysay ku soo rogay maayarku wax macquul ah oo la qaadan karo maaha”. Maxamuud Cabdilaahi Aw Jaamac oo ka mid ah Qurbojoogta ku mideysan ururkan Wershadlayda Somaliland oo isna si adag u dhaliilay hab dhaqanka Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo Xubnihiisa golaha deegaanka baaqna bulshadda u diray wuxu yidhi “Shacabka reer Hargeysa waxaan maanta halkan uga cadaynayaa kuwii aad golaha deegaanka ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ugu doorateen inay caasimaddaha dunida idin la tartansiiyaan oo dunida ina gaadhsiiyaan ee xoog iyo xooloba ku bixiseen waa kuwaas ayaan idin leeyahay maanta u soo biyeystay inay xidhaan wershaddihii yar yaraa ee qurba jooga dalkeena iyo muwaadiniintaana guddaha ee isku xilqaamay inay dalkooda wax u qabtaan lagu burburinaayo, Maayar Soltelko-na waxaan u sheegayaa Maayaroow waxa lagu doortay in aad dadka reer Hargeysa biyaha ku qaali garayso ee in aad Biyaha ka jabisid oo Biyo u keento magaaladda ayaa lagu doortay, reer Hargeysoow maanta wixii aad ku soo doorateen inay wax idiin qabtaan waydinka arkaaya oo sida aad uga tashan laheydeen maanta idinka ayey idiin taala, maanta golaha deegaanka ee Hargeysa waxa uu xaalkoodu ku soo ururay inay yidhaahdaan iyada oo Bisha Ramaddaan lagu jiro waxaanu magaaladda ka jaraynaa Biyihii kali ahaa ee nadiifta ahaa ee imanaayey oo dana kama lihin”.
Wasiirkii hore ee Beeraha ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Md Aadan Cilmi Dhoolayare iyo Xubno ay ka mid ahaayeen Maareeyaha Xafiiska ururka Wershadleydda Somaliland ee (UWD) Axmed Maxamed Xasan, Mahadi Maxamed Cumar Cismaan Ibraahim Axmed iyo Xubno kale oo Ganacsadda Wershadleyda Somaliland ee ururkaasi ku bahoobay, ayaa si isku mid Maayarka Hargeysa lacagta uu ku soo rogay muwaadiniinta Wershadleyda ah ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan la aqbali karin, waxaanay Xukuumadda dhexe ee uu hogaamiyaah ka yahay Madaxweynaha Somaliland md Axmed Maxamed (Siillaanyo) oo ay ugu baaqeen in uu ka badbaadiyo maayar Cabdiraxmaan (Soltelko) oo ay ku eedeeyeen in tacriifaad sharci daro ah oo aanay qaadi karin in uu ku burburinaayo kuna xidhaayo Wershaddihii dalka ka jiray oo aan horeba luga adag ugu taagneyn”