FAYSAL CALI WARAABE: “Ma Jirto Sabab aynu Ugu Dabbaal-degno 26-june Ee Illaahay Ha U Naxariisto”
Hargeysa,25,6,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inaanay Meesha ku jirin in Shacabka Somaliland ay Xusaan Maalinta 26june taas oo ku sifeeyay maalin aan Shacabka Somaliland mudnaan u ahayn Balse ay tahay maalintani maalin Somaliland la aasay.
Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay Boqortooyada dalka ingiriiska oo ka baxay Midawga Yurub Waxaana uu sheegay ujeedka ay uga baxeen in ay tahay in qaranimadoodii iyo taladii waddankooda lala wadaagay,isaga oo Raysal Wasaaraha Ingiriiskana ku sheegay mid Diidanaa Qaranimada Somaliland oo Rabay Midnimada Somaliya.