|

Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Hor-joogsatay Qorshe Uu Watay Madaxweyne Obama

Washington 24.June 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa hor-istaagtay Qorshe uu Madaxweyne Obama ku doonayo inuu inuu sharci ku siiyo Malaayiin dad, oo sharci daro ku joogay Maraykanka sanado badan, kuwaasi oo Dawladdu doonayso inaan Dalka laga Mastaafurin.

ObamaMaxkamadda sare ayaa joojisay isbeddel uu Obama doonayey in lagu sameeyo Sharciga degganaanshaha Maraykanka, laakiin Qorshahaas ayaa joogsaday markii ay kala duwanaadeen fikradaha siddeedii garyaqaan ee Maxkamadda sare.

Afar ayaa ka soo horjeesatay qorshaha isbeddelka, afarna way taageertay.

Dowladda Maraykanka ayaa doonaysa inay ka badbaadiso in dib loo celiyo afar milyan oo qof oo sharci daro ku jooga, ka dibna siiso Fiisayaal ay ku shaqaystaan.

 

Laakiin, 26 Gobol ayaa ka soo horjeestay qorshaha Obama uu awooddiisa Madaxweyne isticmaalayo isagoon Golaha Congresska marin wax ka beddelka uu doonayo in lagu sameeyo Sharciga Degganaanshaha Maraykanka.

Comments are closed