|

Ciidamadda Qaranka Oo Baacsaday Kooxda Khaatumo Oo Soo Weerartay Widh-widh

Widh-widh 24.June 2016 (SDN/QJ):- Saddex qof oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iska hor imaad galabnimadii Salaasadii todobaadkan degmadda Widh-widh ee gobolka Sool ku dhex maray cutubyo ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland ee halkaa degan iyo koox ka tirsan maleeshiyadda nabad diidka ah ee Khaatumo. Dagaalkaasi ayaa dhacay ka dib markii ay koox ka tirsan Khaatumo weerar ku soo qaadeen magaaladda widh-widh, wakhti ay dadku u diyaar garoobayeen xiliga Afurka. Iyadoo halkaasina uu dagaal ku dhax maray ciidamadda qaranka Somaliland.

Somaliland-Army-2Sidaasina waxaa wargeyska DAWAN u xaqiijiyay guddoomiyaha degmadda Widh-widh Axmed Mirre Yuusuf, oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay. “Wuu jiraa dagaalku, waxaanu dhacay xilli la diyaarsanayay Afurkii dadkuna ku sugnaa goobaha afurka ay ku lahaayeen. Markaas oo ay ka bilaabantay rasaastu magaaladda dhexdeeda, iyadoo markii danbe ay ciidanka qarankuna ay si xoog leh u soo galeen magaaladda, kuna guulaysteen inay ka saaraan.Waxaanay socotay rasaastu muddo saaacad ku dhow. Waxaana ku waxyeeloobay intaan ogahay saddex qof oo aan ugu tegay cusbitaalka oo lagu daawaynayo. Kuwaasoo ahaa saddexdu-ba dad shacab ah oo aan aqoon u lahaa. Sidoo kale waxay waxyeello soo gaadhay guryo dhawr ah oo rasaastu waxyeelaysay sida jiingadihii guryahaa saaraa” ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda widh-widh.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay sida uu dagaalku ku bilaabmay iyo waxa uu ka ogyahay khasaaraha gaadhay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamadda qaranka Somaliland-ba, waxa uu yidhi “Ciidanka bilaabay rasaastu waxay ahaayeen sidaanu cadayn ku helnay danbe ciidan ka amar qaata kooxda Cali Khaliif hogaamiyo oo la soo abaabulay. Sidoo kale ma jirto cid sugtay tiradooda, maadaama markiiba gabalku dhacay oo ay habeenimo noqotay, hase ahaatee ma jirin wax tikniko ah oo ay wateen, hadda oo aan kula hadlayana magaaladu way kala degan tahay, wax xiisad ahina kama taagna, mana jirto wax cadayn ah oo aanu ka hayno waxyeelada gaadhay run ahaantii labada dhinacba mid-naba”. Weerarkan ay kooxda ka amar qaadata Cali Khaliif ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee degmada Widh-widh ayaa ku soo beegmaya xilli uu maalin ka hor magaalada Buuhoodle soo gaadhay ku xigeenka hogaamiya Cali Khaliif, Cabdalle Caga-lule oo muddo ku sugnaa magaalada Boocame, isla markaana la sheegay in uu khilaaf ka dhexeeyo Cali Galaydh.

Comments are closed