|

Cadadka Cashuur Golaha Deegaanka Hargeysa Ansixiyey Oo La Saaray Wershadaha Soo Saara Adeegga Qashinka Ugu Badan Ee Caasimaddu Ka Dhasho

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa ansixiyey Cashuur dheeraad ah oo Guddida Bilicda Caasimaddu ku soo rogeen Warshadaha soo saara Biyaha Sifeysan ee loo yaqaanno Moysaxada.

 

DHHMaayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Saxaafadda la hadlay ka dib kulan Shalay Wasaaradda Arrimaha gudaha ku dhex maray Guddida Bilicda Hargeysa iyo Masuuliyiinta Warshadaha Biyaha oo daba socday Ansixinta Golaha Deegaanka ee Cashuurta la saaray Caagadaha Biyaha laga cabbo, ayaa faahfaahiyey Cashuurka lagu kordhiyey Caagadaha biyaha laga cabbo iyo waxa lagu qabanayo, waxaanu yidhi, “Cashuur Go’aan lagaga gaadhay (kulanka) Guddida Bilicda, Golaha Deegaanka Hargeysina ansixiyey, loona gudbiyey Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ahaa in Caagadda weyn ee Biyaha laga Cabbo la saaro Cashuur ah 300 Shilin, Caagadda yarna 150 shilin, si Lacagtaas loo siiyo Dadka Magaalada ka guraya Caagadaha Biyaha laga cabbo, Maaddaama oo Qashinka ugu badan ee Magaalada yaallaa yihiin Caagadaha.”

 

Maayarka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaan Ganacsatadu ogolaaneyn cashuurta haddaan lagu qasbin, “Waa lexejelo oo Ganacsatadu haddaan lagu Qasbin Cashuurta ma ogolaanayaan, markaa waxay yidhaahdeen waanu isku noqonaynaa, laakiin Qashinka Ciddii soo saartay ayaa qaadeysa Masuuliyaddiisa.”

 

Maayarka oo la waydiiyey in Cashuurta ay ku soo rogeen Warshadaha Biyaha soo saara ay keeni karto inay iyaguna Dadweynaha ku kordhiyaan Qiimaha Biyaha la siisto, ayaa ku jawaabay, “Ganacsigu waa Xor.”ayuu yidhi.

Comments are closed