|

SAWIRRO: Boob xooggan oo Loo geystay Dukaamo ay Ajaaniib leeyihiin oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika

BOOB

Ceptown,22,6,2016 (QJ/SDN) – Degaano ku yaalla duleedka Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ka socday maanta illaa caawa rabshado iyo boob xoogan oo loo geystay goobo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali iyo ajaaniib kale oo ka shaqeysta wadankaas.

Wararka ayaa sheegaya in boobkan uu bilowday markii banaanbax cabasho ah ay dhigeen dad shacab ah kaasoo markii dambe isu rogay rabshado sababay in la boobo dukaamo fara badan oo ay lahaayeen ganacsato ka soo kala jeeda Soomaali iyo dalal kale.

Goob-jooge lagu magacabo C/llaahi Nuur Xasan ayaa sheegay degaanada Atvell & Shashankuva ay yihiin meelaha ugu daran ee boobku ka socday illaa caawa.

Qaar ka mid ah ganacsatadii laheyd dukaamada la boobay ayaa la garaacay, halka kuwo kalena ay lafahooda la baxsadeen markii ay arkeen boqolaal shacab ah oo ku soo jabay dukaamadooda.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika oo goobta soo gaaray ayaa halkii lag filayey iney ka hortagaan dadka rabshadaha sameynayey waxay ka qeyb qaateen boobka halkaas ka socday, waxaana la arkayey askar dareyska Booliska xiran oo gacanta ku wata waxyaabo ay ka soo qaateen dukaamada la boobay.

Lama oga illaa hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay Rabshadahan u dambeeyey oo qeyb ka ah dilal, boob iyo rabshado ka dhan ah ganacsatada ajaaniibta ah oo sanadahan dambe ka jiray wadanka Koonfur Afrika.













Comments are closed