|

Dalka Angola Oo Laga Mamnuucay Islaamka

anglo

Angola,22,6,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Angola, ayaa ku dhawaaqday in Islaam dalkeeda mabnuuc ka yahay, iyadoo amar ku bixisay in la xidho dhammaan masaajidada dalka ka jira.

Wasiirka Dhaqanka Angola, Rose Cruze Silva, ayaa sheegay in masaajidada dalkan Kiristaanku ku badan yahay ka jira dhammaantood la xidhay ilaa inta laga soo saaraayo amar dambe oo dawliya.

Waxa ay sheegtay in islaamku yahay firqo laga mabnuucay dhaqanka iyo caadooyinka Angola ka jira.

Ilaa hadda ma jiro war sheegaaya in la burburin masaajidada dalkan ka jira sida wargeyska International Business Times soo tebiyey.

Madaxweynaha Angola Jose Edurado dos Santos, ayaa wargeyska Osun Defense Daily u sheegay hadal muujinaya Islam nacayb oo u dhignaa; “Waa dhammaadka saamaynta Islaamku dalkayaga ku lahaa.”

Dadka Islaamka ah oo 1% ka ah bulshada Angola oo 19 milyan ah, ayaa sidoo kale waxa ka jira 194 caqiido oo dadku dalkan rumaysan yihiin oo hore dalka looga mabnuucay, iyadoo kala badh bulshada dalkan Kiristaan yihiin.

“Sharci-dejinta Islaamka wali may ansixin Wasiirka Caddaaladda iyo Xuquuqal-insaanku, masaajidadoodana waa la xidhi doonaa ilaa inta war dambe laga soo saaraayo,” ayey tidhi Wasiirka Dhaqanka Angola.

Isku dhaca dadka Muslimka ah iyo  Kiristaanka ee Angola, ayaa warbaahintu soo tebinaysaa waqtigan.

Manuel Fernando oo ah Agaasimaha Mac-hadka Arrimaha Diimaha ee Wasaaradda Dhaqanka, ayaa diiday wararka la soo tebiyey, waxaannu yidhi isagoo la hadlaya Wakaaladda Agence France-presse; “Ma jiro dagaal ka jira Angola oo Islaam lagaga soo horjeedo amma diin kale. Ma jiro amar rasmi ah oo lagu bixiyey in goobaha cibaadada lagu burburiyo waxay doonaan ha noqdaane.”

Xigasho:Maankaab

Comments are closed