|

Baarlamaanka Mareykanka oo diiday Qorshayaal lagu Xakameyn lahaa Hubka la iska iibsado

Stars and stripes on gun

Washington (QJ/SDN) – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa diiday qorsheyaal lagu xoojin lahaa xakamaynta hubka ay shacabka dalkaas isticmaalaan.

Tallaabadan ayaa waxay ka mid ahayd in la hor-istaago in hub laga iibiyo dadka ku jira liiska kooxaha Argagixisada looga shakisan yahay.

Aqalka sare ayaa la hor-keenay qorshe ka kooban afar qodob, kaddib markii 49 ruux lagu dilay weerar ka dhacay baar ku yaalla Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Xildhibaanada Aqalka sare ee Marykanka ayaa u kala codeeyay sidii Qorshahaas u kala wateen labada Xisbi ee Marykanka ee ay ka kala tirsan yihiin oo ka ah; Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga .

Mudanayaasha ayaana koox walba kasoo hor-jeedsadeen Qorshihii uu watay Xisbiga kale ee aysan taageersanayn. Waxayna xubnuhu Xubnuhu aad isugu khilaafeen sidii looga hor-tagi lahaa in weeraro kale ay dhacaan mustaqbalka.

“Saaxiibadeen waxay doonayaan in hubka la xakameeyo, halkii Argagaxisada la laga cirib-tiri lahaa, taas oo ah mashaqadii ka dhacday Orlando,” ayuu yiri John Cornyn oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, wuxuuna hadalkiisa kusii daray in saaxiibadii ay doonayaan inay calaamadaha xanuunka lagu garto aysan si dhab ah u daweynayn, bals ay daweynayaan xanuunka laftiisa.

Ugu dambeyntii, Mudane Barbara Mikulski oo iyaduna ka tirsan Dimuqraadiga ayaa tiri. “Maxay tahay sababta aan baaritaanno amaan oo badaan u marno marka aan diyaaradaha raacayno; haddana aan la baarayn kuwa sida gaarka ah looga shakisan yahay argagaxisonimada.”

Dalka Mareykanka ayaa waxaa sharci ka ah in shacabku ay hubka ka gataan dukaamada ayna ku geystaan fal walba, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu horay ugu dhawaaqay in wax laga qabto hubka.

Comments are closed