|

Dhalinyaro 14 Cisho U Xidhnaa Xukuumada Oo Damaanad Lagu Sii Daayey

Hargeysa,21,6,2016 (QJ/SDN – Waxa maanta xoriyadoodii dib u helay dhalinyaro mudo 14 cisho ah u xidhnayd dareenkooda oo ay cabireen.

Dhalinyarada oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku jiray xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ayey suura gashay in maanta damanaad lagu sii daayo kuwaas oo loo haystay ka dib markii ay ka hadleen heshiiska lagu kiraynayo dekeda magaalada Berbera.

Dhalinyaradan oo qaarkood ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ah e Waddani ayuu xadhigoodu yimid ka dib markii ay shaaca ka qaadeen inaanay ogolaan doonin la wareejiyo dekeda magaalada Berbera, waxaanay dureen heshiiskii dhex maray xukuumada somaliland iyo shirkada DP World.

Comments are closed