|

Qoraalka ay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya kaga Saartay Telefishanka HCTV Satelite-ka Thaicom 5 Iyo Qodobada Meel ka dhaca ku ah Jiritaanka Somaliland Akhri

Hargaysa 21.June 2016 (SDN/QJ):- Shabakada Qurbejoog ayaa heshay Nuqul ka mid ah qoraalka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya u dirtay Satelite-ka Thaicom 5  ee ay kaga dalbatay in Satalaytkaas laga saaro HCTV.

Maamulka dawlad deeganka Somalida Ethopia ayaa waxaa ay warqad dacwad ah oo ka dhan ah telefishanka HCTV u qoreen shirkada Thaicome 5 ee uu ka soo galo  telefishan kaasi.

Warqadan oo uu ku saxeexan yahay madaxa xafiiska wasaarada Isgaadhsiinta, arrimaha dhaqanka iyo dalxiiska ee dawlada Kilalka shanaad ee Ethiopia Eng Idiris Ismaaciil Cabdi  isla markaana  ingiriis ku qoran ayaanu idiin soo turjunay waxaana u qorneed sidan :-

Sumada: xxaddhd/2019/08

Taariikhda: June-15/16

Ku: RR—Media

Thaicom Public Company Limited ( Shirkada Guud ee Thaicom)

Thaicom Satellite Station

63/21, Rattanatibet Road, Northaburi 11000, Thailand

Mudane/Marwo,

Codsi: Codsi ku aadan ka TV-ga Horn Cable Tv (HCTV) in laga saaro hawada ama Satellite ka Thaicom5.

Annaga, Dawlad deggaanka Soomalida Itoobiya, Waxaanu aanu  si cad uga ashkatoonaynaa THAICOMS Satellite Muuqbaahiyaha HORN CABLE TV kaasi oo hawadiina ku shaqeeya una sahasheen inuu si habsami ah u hirgalo in uu ka dhex shaqeeyo dawlad taag daran oo iskeed isku magacowday oo loogu yeedho Somaliland, taas oo aan haysan sharciyada ama ruqsada warbaahineed. Waxaanu si adag idiinka codsanaynaa inaad si deg-deg ah hawada uga saartaan satelliteka ThAICOM5 TV-gan HCTV oo ka uga soo  waramay una soo tebiyay si aan haboonayn oo kana madhan xirfadda war-bixinta rasmiga ahayd ee Dawlad degaanka Soomalida Itoobiya. Xirfad xumadan saxaafadeed, oo ku salaysan nacayb, gacan ka hadal, iyo saxaafad caddayn waxay keeni kartaa deganaanshiyo la’aan soo waajahda Gobolka, waxayna ku dambayn doontaa XASUUQ- sidii dhacdadii ka dhacday Rwanda, hadaan deg-deg wax looga qaban. Waxaanan halkan idiinku so lifaaqnay Muuqaalkii. (Video clips) Dhinacayagu, waanu u gudbinay walaacayaga dawladda federaalka ee Soomaliya.

Hay’ad warbaahineed ahaan, Horn Cable Tv inuu ku jiro satellitekiina, waa in uu ka shaqeeyaa dhammaan danaha iyo badhaadhaha bulshada oo dhan, waa in u karti u leeyahay inuu gaadho oo uu saameeya badiba bulshada inteeda badan kuna habaa war lagu kalsoonaan karo oo uu la wadaagayo macaamiishiisha daawata.

Waanu hubnaa inaad qaadaysaan talaabo deg-deg ah oo laga qaadayo Horn Cable Tv kana qaadi doonto THAICOM5 Satellite, si ay u ilaashato sumcadeeda iyo karaamadeeda warbaahinta ee mustaqbalkeeda dambe.

Best Regards,

Eng. Edris Ismael Abdi

(Xafiiska Isku Xidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dawlad degaanka Itoobiya)

warqad dee

Comments are closed