|

Maareeyaha Dekeda Berbera oo Asaraar ku Tilmaamay War laga Baahiyey oo Ku Saabsan Dekeda Berbera iyo Shirkada lagu Wareejinayo ee DP World

Berbera 21.June 2016 (SDN/QJ):- Maareeyaha Guud ee Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) Ayaa Beeniyey Warar La Faafiyey Oo Aan Sal iyo Raad Toona Lahayn Oo Kusaabsan.

Xoor XoorWaxaanu Arintaasi Kaga Hadlay War Saxaafadeed Kooban Oo Kasoo Baxay Xafiiskiisa xalay, Waxaanu Yidhi

“Halkan Waxaan Idiinku Cadeynyaa in aanu jirin war iga soo baxay oo kusaabsan in Shirkad Tartan Kula Jirta Shirkada Dubai Ports World ee Heshiiska iyo Wadahadalada Kusaabsan Dekeda Berbera ay La Leh Xukuumada Somaliland, Waxaanan Cadeynayaa In uu Warkaasi Been abuur yahay oo aanay waxba ka jirin. Saxaafada Madaxa banaan Waxaan ku Boorinayaa inay ka dheeraadaan Wararka Been Abuurka ah, Bulshada Wararka Xaqiiqdaa ku dhisan u gudiyaan”.

Maareeyaha Guud ee Dekeda Berbera

Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)

Comments are closed