Guddoomiyihii Hore ee Muqdisho Mr Tarsan Oo Dad Reer Somaliland Ku Jiraan Ugu Baaqay Inay Ku Mudaharaadaan Dawladda Xasan Sh. Maxamuud
Muqdisho, 21 June, 2016-(SDN/QJ):– Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ee Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa Dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay iskugu soo baxaan Dibad-baxyo lagaga soo horjeedo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inay waddo qorsheyaal ay iskugu dhufanayso Dadka.
Tarsan oo Shalay ka hadlayey Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in isaga iyo Siyaasiyiinta la mabda’ ahi ka soo horjeedaan Guddida Doorashooyinka Soomaaliya oo uu Xasan Sheekh Maxamuud Magacaabay Toddobaadkan, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed oo Reer Somaliland ku jiraan iskugu soo baxaan dibad-baxyo lagu diiddan yahay qorshaha Dawladda Federaalka iyo Waxqabad la’aan uu ku eedeeyay Xukuumadda Xasan Sheekh ee Muqdisho ka dhisan.
“Ummadda Soomaaliyeed waxaanu ugu baaqaynaa Qabyaaladdu maaha wax inna wadaya, inaad difaacdo Qof Fashilan oo aan Carruurtaada Iskuul u dhisayn, oo aan Carruurtaada biyo Nadiif ah siinayn, oo Carruurtii aad ku soo tabacdeen ee Jaamacadaha ka soo saarteen ay badaha isku gurayaan markii shaqadii loo sinaan waayey, waxaasi maaha wax la difaaco ee waa inaynu diidnaa, oo Shacabku ka bannaan baxo Jubbaland, Puntland laga bannaan baxo, Gal-mudug waa in laga bannaan baxo, Somaliland waa in laga bannaan baxo, waa in laga bannaan baxo Bay iyo Bakool, waayo? Waxay rabaan (Dawladda Xasan Sheekh) inay inna kala qaybiyaane.”