DAAWO: Suldaan Maxamed Oo Cabasho Ka Muujiyay Warar Lagu Baahiyay Warbaahinta DDSI
Hargeysa,20,6,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa cabasho ka muujiyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wararkaasi oo lagu sheegay in ganacsadaha wayn ee Ina-Afdiinle uu ku lug lahaa shaqaaqadii iyo xasuuqii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad ee degmada Gaashaamo, iyadoona Suldaanku uu farriin u diray madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Suldaan Maxamed ayaa ka codsaday madaxweynaha DDSI in ay kulan degdeg ah iskugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan arrimahan.
Halkan Hoose Ka Daawo Shir Jaraa’id Oo Uu Qabtay Suldaan Maxamed.