|

Afrika: Deeqaha Midowga Yurub Ma Waxay Ku Xidhan Yihiin Joojinta Tahriibayaasha?(Faallo)By Rebecca Rosman

Hargeysa, 20.June 2016 (SDN/QJ):- Qorshihii la shaaciyey todobaadkan badhtamihiisii eek u aadanaa inay dalalka Afrikaanku joojiyaan tahriibayaasha dalalkooda ka imanaya, taa bedelkeedana ay Midowga Yurub kaalmo dhaqaale siiyaan ayaa loo arkaa in uu yeelan karo xumaan iyo samaan labadaba.

tahriibayaalSanadkii ina dhaafay oo keliya ugu yaraan hal million oo qaxooti iyo tahriibayaal dhaqaale doon ah isugu jira ayaa galay wadamada Midowga yurub, kuwaas oo ka gudbay badda Mediterranean-ka.

Qorshahan cusub ayaa midowga yurub waxa uu kala shaqayn doonaa todoba waddan oo Afrikaan iyo carab isugu jira, kuwaas oo kala ah: Jordan, Lebanon, Niger, Nigeria, Senegal, Mali iyo Ethiopia, wadamadaas oo ay siinayaan gargaar dhaqaale oo gaadhaya 8 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah mudada shanta sanadood ah ee soo socota, waxana ay kaga bedelanayaan inay dalalkaasi joojiyaan qaxootiga ama tahriibayaasha dalalkooda ka imanaya ama soo maraya dhulkooda ee ku socda Midowga Yurub.

Tahriibayaal la BadbaadiyeyGudiga midowga yurub u qaabilsan arimahan oo qorshahan soo diyaariyey ayaa sheegay in deeqda dhaqaale la siin doono wadamada Midowga yurub kala shaqeeya hoos u dhiga tahriibayaasha, xilli wadamada kale eek a gaabiyana laga dhimi doono taageerooyinkii hore loo siin jiray

Madaxdadalalka midowga Yurub ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay qorshahan cusub, xilli ay kooxo badan oo dhanka xuquuqda aadanaha ka hawlgalaana ay six un u cambaareeyeen

Ninka madaxa ka ah hay’adda socdaalka ee Midowga yurub  Dimitris Avramopolous ayaa isna waxa uu sheegay in qorshani heli karo maalgelin gaadhaysa ilaa €62 billion, laakiin qorshahan ayaa weli ah mid qabyo ah waxana uu dhaqangelayaa hadii ay ogolaadaan dalalka xubnaha ka ah Midowga yurub isla markaana uu ansixiyo Baarlamaanka yurub.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa Midowga Yurub laga eegaya Waxay Maanta Ku qaabilaan Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Qaxoontiga Dunnida oo loo asteeyay 20-ka Bisha June Sannadkasta.

Comments are closed