|

Madaxwaynaha, Guddoomiyaha Kulmiye iyo G. Golaha Wakiilada Ahna G. Waddani oo Tacsi u Diray Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse oo Hargeysa ku Geeriyooday

Hargaysa 18.June  2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Geeriyooday Alle ha u Naxariistee Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

IskeerseMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 18.06.2016.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah, aqoonyahan ahaa oo muruqiisa iyo maalkiisaba kagaga soo qaybqaatay dib u xorayntii dalka, sidoo kalena qayb weyn ku lahaa aas-aaskii iyo hirgelintii xisbi weynaha kulmiye, waxa kale oo lagu xasuusan doonaa inuu aha nin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan iyo nabadayntii, iyo dib u dhiska dalka. Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weliba guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuun/ Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso oo muddooyinkii dambe xanuun uu u jiifay awgeed 18/06/2016 ugu geeriyooday magaalada Hargeysa.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kalena taariikh weyn ku leh guud ahaan siyaasadda Somaliland iyo weliba marxaladahii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay oo lagu tilmaansado dadkii sida weyn uga qeyb-qaatay nabadeyntii iyo weliba kaalintii dawladnimo ee dalka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin. Amiin.

Geesta kale Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuum Maxamed Cabdi Iskeersi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta 18/06/2016.
Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu ka mid ahaa odayaasha kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay nabadayntii, dawlad dhisiddii dalka iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xilal kala duwan soo qabtay, waxaannu hadda ka mid ahaa Golaha Dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse inuu ahaa aqoonyahan wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiiba, isla markaana uu ahaa nin xaruuri ah oo mar walba wanaagga ka shaqeeya.
Marxuum Iskeerse oo aas Qaran loo samayn doono waxa lagu aasi doonaa xabaalaha cusub ee Xeedho berri 10:00 subaxnimo.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Comments are closed