|

Al-shabaab oo Xaqiijisay Dilkii Sh. Dul-yadeyn oo ay Toogasho ku dileen Ciidamada Soomaaliya iyo Ajnabi

DUL JADAYN

Muqdisho,18,6,2016 (QJ/SDN) – War-saxaafadeed ay soo saartay Xarakada Al-shabaab ayay ku shaacisay Dilkii Sh. Maxamed Maxamuud Cali [Dul-yadeyn] oo Saraakiishooda Sare ka mid ahaa, kaasoo ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwo Ajnabi ahaa oo Is-kaashanaya ay ku dileen Horraanteedii bishan deegaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Bayaanka Al-shabaab oo ku qornaa Af-Carabi, kana koobnaa Shan Bog – ayaa waxaa lagu Xusay in Sarkaalkaan la dilay uu ku dhashay Magaalada Gaarsia ee Gobolka Waqooyi-bari ee Waddanka Kenya, Sannadku markuu ahaa 1966-kii.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sheekh Dulyadeyn uu wax kusoo bartay dalka Suudaan, Wuxuuna ka Qalin-jabiyay Kulliyadda Shareecada Islaamka – ee Jaamacadda Al-Kharduum.

“Sheekh Dul-yadeyn wuxuu Jihaadka Bariga Afrika kusoo biiray Sagaashamaadkii; isagoo ka mid ahaa culumadii lagu furay mucaskarkii Raas-kambooni ee uu hogaamiyaha ka ahaa; Sheekh Xasan Turki,” ayaa lagu yiri Bayaanka Al-shabaab.

Bayaanka, ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Hoggaamiyaha la dilay uu Qayb weyn ku lahaa Dagaallo kala duwan oo ka dhan ah Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenya, iyadoo intaas lagu daray inuu si weyn uga dhex-muuqday dagaallada ay wado Al-shabaab.

“Sheekh Dul-yadeyn waxaa la dilay 24-kii Shacbaan 1437-H, oo ku beegnayd 01-dii Juun, 2016-ka, kaddib in ka badan 20-sano oo uu dagaallamayay,” ayaa lagu xusay Bayaanka Al-shabaab.

Dhanka kale, Hoggaamiyahan la dilay ayaa waxay Kenya horay madaxiisa u saartay Lacag malaayiin ah si loo Qabto ama loo Qaarijiyo, iyadoo ku eedeysay inuu ahaa Abaabulihii ka dambeeyay Weerarkii sanadkii hore lagu qaadayJaamacada Gaarisa oo lagu dilay boqolaal qof oo u badnaa Ardaydii wax ka baranayay Jaamacaddaas.

Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Hawl-galka Sheekh Dul-yadeyn lagu dilay uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana lala dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo gaadiidkiisa la socday.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Xusay inay sii wadayso Dagaallada ay Dowladda Somalia iyo Ciidamada Caawinaya kula jirto, Sidoo kalena aysan Dagaalladoodu u joogsan doonin Hoggaamiyeyaal laga dilo.

Comments are closed