Dowlada Eritrea oo shaacisay tirada Ciidamada Itoobiya kaga dishay Dagaalkii ay la galeen
Asmara,18,6,2016 (QJ/SDN) – Dowada Eritrea, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaalkii isbuucan ka dhacay magaalada Tsorona ee kutaala xaduuda ay wadaagaan Dalalka Eritrea iyo Itoobiya .
War kaso baxay dowlada Eritrea ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ciidankooda ku dileen 200-askari oo Itoobiyaan ah sidoo kale ay ku dhaawaceen in ka badan 300-oo askari.
Dowlada Eritrea, ayaana sheegtay in ay guulo ka gaareen dagaalkii dhawaan xaduuda ka dhacay ay la galeen ciidamada Itoobiya, waxa ayna dhankooda ka gaabsadeen in ay faah faahiyaan qasaaraha dagaalkaasi kasoo gaaray.
Wasiirka isgaarsiinta Ethiopia Getachew Reda, oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay warka kasoo baxay Dowlada Eritrea ee ku aadan askarta badan ay ka dileen Dowlada Itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in tiro intaas la eh dagaalka looga dilay.
Waxa uu sidoo kale sheegay Getachew Reda in dowlada Itoobiya aysan wax dan ah ka lahayn inay baahiso khaariihii ka dhashay dagaalka oo ay qiimeynteeda ku ogaatay baaritaan la sameeyay.
Labada Dowladood ayaa guulo ka sheegtay dagaal axadii iyo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada xadka labada wadan kutaala ee Tsorona, waxa ayna magaaladan ay tahay midii uu ka bilowday dagaalkii labada wadan dhax maray sanadii 1998-kii illaa 2000.