Dadkii ku dhintay Gaadhiga konteynarka ee laga helay Zambia oo la xaqiijiyey in aanay Soomaali aheyn
Zambia,18,6,2016 (QJ/SDN) – Tahriibayaal maalmo ka hor ku dhintay konteynarka gaari xamuul ah oo lagu qariyey wadanka Zambia ayaa waxaa la soo xaqiijyey ineysan Soomaali aheyn.
Dadkan oo tiradooda lagu sheegay 19 ruux ayaa dhintay markii ay ku neef qabatimeen kontaynarka saarnaa gaarigan xamuulka ah oo lagu xiray si loogu qariyo, waxaana gaarigan uu ka baxay dalka Tanzania, waxaana la doonayey in qaab qarsoodi ah lagu geliyo wadanka Zambiga.
Wargeysyada ka soo baxa dalka Zambia ayaa markii hore qoray in dadkan dhintay ay Soomaali ahaayeen balse xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Zambia ayaa arintaas beeniyey.
Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah masuuliyiinta jaaliyada Soomaalida Zambia ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ka dib ay ku ogaadeen in dadkaas dhintay ay ahaayeen Itoobiyaan.
“Anagoo guddi isxilqaamay oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalidaa ee Zambia ayaa waxaan booqanay meydadka dadkan ku dhintay kontaynerka muuqaalkooda Soomaali noolama ekeyn, waxaa arrintaas noo sii cadeeyey markii aan aragnay magacyadooda oo dowlada Zambia ay noo soo gudbisay, xitaa hal qof oo magac Soomaaliyeed wata kuma jiro, dhamaantood waxay ahayaeen dad Itoobiyaan ah” ayuu yiri Maxamed C/llaahi.
Waxaa uu intaa ku daray in liiska magacyada dadkan dhintay laga soo helay warqado lagu qoray magacyadooda oo uu hayey darawalka waday gaariga meydadkooda laga soo saaray oo haatan u xiran Booliska, wuxuuna intaa ku daray in sababta markii hore Sooomaali loogu maleeyey ay aheyd iyadoo Soomaalida iyo Itoobiyaanka ay isku yara egyihiin.