|

Baarlamanka Somalia oo wax ka bedelay qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah

Muqdisho,16,6,2016 (QJ/SDN) – Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa wax ka badal ku sameeyey qodobbo ka mid ah dastuurka KMG ah ee dalka.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka badal ku sameeyeen qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 136 farqadiisa 2aad ee dastuurka KMG ah.

Qodobka 136 farqadiisa 5aad ee la bedelay ayaa dhigayay in dastuurkan haddii afti lagu ansixin waayo aanu noqoneyn dastuurka federaalka.

Qodobka 60aad ayaa isna dhigayay muddada baarlamaanku iney ku egtahay afar sano oo ku beegan 19-ka Agoosto maalintii la dhaariyey.

Waxaa lagu bedelay haddii la gaaro maalintaas iyadoo aan la dhaarin baarlamaan kale, waxaa sii shaqeynaya baarlamaanka hadda jira.

Baarlamanka ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo labadan qodob, waxaa soo xaadiray kulanka 215 mudane, waxaana ogolaatay 208 mudane afar way diiday, halka saddex kale ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamanka ayaa sheegtay in labada qodob ee la bedelay ay yihiin kuwa muhiim u ah Qaranka, isla markaana ay kala quseeyaan in uusan dalka noqon dastuur la’aan iyo baarlamaan la’aan.

“Talaabadan ma aha muddo kororsi ee waxay tahay sharci iyo dalku aanu ku dhicin fawdo” ayey tiri xildhibaanada, waxaa dhinaca kale maanta fasaxii Ramadaanka galay guud ahaan xildhibaanada Baarlamanka.

Comments are closed