|

Kenya oo QM Ka Codsanaysa inay La Wareegto Maalgalinta AMISOM

Nairobi (QJ/SDN) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa jooga Belgium halkaas oo uu shirar kula leeyahay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa ah shiriigga labaad ee ugu weyn ee dhanka horumarinta kasaacida Kenya asagoo kuxiga Baanka Caalamka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ah meesha laabada ee badeecooyinka ugu badan ee Kenya loo dhoofsho asagoo ku xiga suuqa dalalka Afrika ee COMESA.

Kasokow inuu khudbad u jeedin doono Midowga Yurub hoggaamiyeyaashiisa, Madaxweyne Uhuru ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xog-hayaha guud ee QM Ban-Ki-Moon.

Hadaba, waxaa lagu wadaa inuu ka codsado QM inay la wareegto hawl galka AMISOM ee gudaha Soomaaliya iyo sidii loo maal galin lahaa maadaama Midowga Yurub uu jaray 20% qarashkii uu ku bixin jiray hawlgalkaa.

Comments are closed