|

Milicsiga ayaamaha Is Guraya Iyo Aragtidii Prof Samatar ee Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee uu Maanta la Jaalka yahay Iyo Qaabkii uu u Naqdiyey Hadaladii Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

prof samatarHargaysa 15.June 2016 (SDN/QJ):- “Hadii Xisbiga Kulmiye uu ka Adkaan Waayo in Si Cadaaladi ku Jirto uu u Maamulo dadka doorashada uga qayb galaya Wuu Bariiqan doonaa,Maanta Xisbigii Kulmiye Wado kale ayuu Maray”
Siyaasi iyo Aqoon yahan Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Maalintii Shalay loogu Fooladeeyay Magaalada Boorama oo uu ku shaaciyey inuu ku biiray Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye.
Siyaasigan ayaa Xog warano uu Sannadkii hore dabayaaqadiisii bixiyey Wuxuu Dhaliil Xoogan u soo Jeediyey Hanaanka Dimuquraadiyadeed ee Ka dhex Jirta Gudaha Xisbiga Kulmiye Waxaanu Muujiyey in aanu rajaynayan inuu ka Mid noqdo Xisbiga Kulmiye oo uu Sheegay inuu Xiligaas Wado kale qaaday.

Hadaba Prof Samatar oo Shalay Loo Sameeyay Soo dhawayn Balaadhan oo uu Ku qaabilay Xisbiga Kulmiye ayaan Jawaabo Waafi ah ka Bixin Weydiimihii Dul hoganayay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed.

Comments are closed