Waddo Laami ah oo Dhismaheeda laga Billaabay Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
Laascaanood,14,6,2016 (QJ/SDN) – Waddo laami ah oo isku-xidhi doonta xaafado badan oo ka tirsan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa dhismaheeda laga billaabay magaaladaas.
Sidoo kale, Waddadaan oo ah middkii 5-aad ee laga hir-geliyo Laascaanood, ayaa waxaa si Wadajir ah u Fulinaya Dawladda Hoose ee Laascaanood iyo Xukuumadda Somaliland sida uu warbaahinta u sheegay Duqa degmaddu.Waddadan oo dhererkiisu yahay sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaalada Laascaanood Cismaan Saleebaan 6-km, ayaa waxa ay mari doontaa xaafadaha ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka magaalada Laascaanood.
“Waxaan ugu baaqaya dadka deggen halka waddadani marayso haka sii gurtaan wixii alaab ah, guryaha la calaamadiyay ha dunsadaan haddii kale waxay is helayaan cagafta dawladda Hoose” Ayuu yidhi Cismaan Guddoomiyaha Degmada Laascaanood.
Sidoo kale, Gudoomiyaha oo ka gadlayay mashaariic uu sheegay inay soo socoto ayaa yiri. “Waddada keliya ma aha waxaa jira hawlo badan oo ay ku jiraan wadooyin Laami ah oo ka imaanaya dhinacyo badan” waxaanu intaas raaciyay sidii ay ku bixiyeen dhismaha Jidkaan oo uu sheegay inuu ahaa tartan kaas oo uu ku Guulaystey Shirkadda Shire oo ah Shirkaddii Waddadii ugu horreysey ka dhistay magaaladda.
Ugu dambeyn, Waddadaan la filayo in Laascaanood laga Hir-geliyo ayaa la Saadaalinayaa in ay ka badnaan doonaan kuwii Sanadkii la soo dhaafay oo ahaa afar Waddo oo Laami ah iyadoo ay qatan yihiin Degmooyinkii kale ee Gobolka kuwaasoo baahi baahsan u qaba.