Magaalada Hargaysa oo uu ka Bilaabmay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Iyo Tirada Ardayda ee Ka Qayb qaadanaya DAAWO
Hargaysa 14.June 2016 (SDN/QJ):-Waxaa Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Masaajidada Sheekh Cali Mataan iyo Rusheeye ka Bilaabmay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee la qabto Bil kasta oo Ramadaan ah.
Tartanka Qur’aanka kariimka ah oo sannad kasta la qabto horaanta bisha Ramadaan ayaa shalay ka furmay masaajid Cali Mataan ee magaaladda Hargaysa, tartankaasi oo ay ka qayb qaadanayaan 64 wiil oo ka kala socda dhammaanba goboladda dalka iyo 30 gabdhood oo tartankoodu ka socda medarasadaha iyo macaahidda Qur’aaka lagu barto ee ku yaalla caasimadda Hargaysa.
Munaasibadii furitaanka tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan oo ay soo qaban qaabiyaan gudi culimo ah oo ka kala socda goboladda dalka, waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid culimaw-diinka caanka ah ee Somaliland iyo marti sharaf kale.
Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-dheeg), oo ah gudoomiyaha gudiga culimadda ah ee soo qaban qaabiyay tartankaasi oo xafladii furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ka waramay tiradda ardayda sanadkan ka qayb qaadanaya tartanka, goboladda ay ka kala socdaan iyo sidoo kale nidaamka loo kala saarayo ardayda tartamaysa.
Sheekh Ismaaciil-dheeg, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa mar kale iyo tartankii Qur’aanka kariimka ah ee goboladda Somaliland. Waxaananu ILLAAHAY (SWT) uga mahad naqaynaa in uu mar kale inoo fududeeyay, ama inoo ogolaaday in aynu halkan sidii caadadda inoo ahayd sanad walba aynu halkan isugu nimaadno. Waa tartankii ay ka soo qayb geli jireen arday ka socota goboladda Somaliland oo dhan. Guud ahaan marka la isku darro, ardayda xulka ah eek a qayb qaadanaysa tartankan waa 64 arday ama tartame oo Wiilal ah iyo 31 Gabdhood. Ardayda wiilasha ah oo badanaaba ku tartama 30 jis iyo 15 jis. 30 jis, waxaa ku tartami doona 30 arday, oo ka socda goboladda aynu odhan karno waa goboladda Hooyooyinka u ah Somaliland, sida goboladda Maroodijeex, gobolka Togdheer, gobolka Awdal, gobolka Sanaag, gobolka Sool iyo gobolka Saaxil”.
Sidoo kale sheekh Ismaaciil-dheeg, waxa uu faahfaahin ka bixyay tiradda gabdhaha ka qayb qaadanaya tartankaasi iyo meelaha ay ka socdaan. Waxaanu yidhi “Dhinaca gabdhaha, anigoo ku hadlaya afka gudiga qaban-qaabadda tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan, sida caadiga ah gbadhaha kama keenno goboladda. Waayo? Gabdhuhu way ka duruuf duwan yihiin ama way ka waayo duwan yihiin wiilasha. Sidaa awgeed gabdhaha tartamaa waxay ka socdaan macaahidda iyo madaarista iyo meelaha Qur’aanka lagu xifdiyo eek u yaalla magaaladda Hargaysa”.
Guddoomiyaha Gudidda tartanka quraanka kariimka ee Somaliland Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre, waxa kale oo uu ka waramay taariikh ahaan xiligii la bilaabay in la qabto tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan, isagoo sheegay in si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 1992-kii mudadaasi wixii ka danbeeyayna si joogto ah loo qabto sanad walba bisha Ramadaan.
“Tartankani wuxuu joogto soo ahaa, laga soo bilaabo sanadkii 1992-kii, ilaa maanta si joogto ah ayuu sanad walba tartankani u dhacaa. Haddii laga tegi waayo laba ama saddex sanadood oo 1994-kii iyo 1995-kii ah xiligii dagaaladii beelaha ayuu hakad ku dhacay. Laakiin sida caadiga ah 1992-kii ilaa maanta tartankani waa tartan xidhiidh ah, oo joogto ah”ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil-dheeg.Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Halkan aynu saaka (shalay) fadhino ee masaajidka Cali Mataan, oo badhatamaha magaaladda Hargaysa ku yaalla, waxaa fadhiya culimo Xakam ah ama gar-soor ah, oo u fadhiya in ay ardayda 30 Jis ku tartamaya ay imtixaamaan. Macalimiintani iyo gar-sooreyaashani waa rag culimo ah, macalimiin ah, Qur’aanka iyo imtixaanaadkiisa iyo ardayda iyo hagistiisaba aqoon u leh, oo ka socda gobollo kala gedisan oo dalkeenna ka mid ah.Waxaan ILLAAHAY (SWT) ka baryaynaa in sanadkan sanadkiisa inagoo nabad qabna, oo dalkeenu nabad qabo, oo islaamka oo dhami uu khayr ku sugan yahay, in uu ILLAAHAY (SWT) ina gaadhsiiyo.”
Gebagebadda tartankaasi ayaa ardayda kaalmaha hore galla waxaa la siin doonaa abaal-marino kala duwan oo isugu jira baabuur, lacag, telefoonadda gacanta iyo had-yaddo. Tartankan ayaa dadweyne tiro badan oo ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay ka qeyb galeen masaajidka uu ka socday tartanku, halka dadweynaha gobolladuna ay kala socdeen Idaacadda quraanka kariimka oo si toos ah u tabinaysay tartankan.