Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Deg Deg ah La qaatay Hogaanka Dhaqanka Somaliland iyo Arrimo Xasaasi ah oo laga Wada hadlay DAAWO
Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa kulan degdega ugu qabtay xubno ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee dalka qasriga Madaxtooyada maanta oo ay taariikhdu tahay 13.06.2016.
Kulankan ayaa madaxweynu wuxu ku dirayey ergedii ugu culus ee dalka oo isugu jirta mudanayaal ka tirsan golaha guurtida iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee dalka oo ah salaadiin iyo boqorro, kuwaas oo lagu xoojinayo gurmadkii bakhtiinta colaadda Dherkeyn-geeyo ee koonfurta Sool, ee uu hore ugu diray Madaxweynuhu, halkaaso laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartay iska horimaad dhaliyey khasaare lama filaan ah oo ballaadhan.