“Ina Cali Waraabe Qolada Irbadda Sunta Ah Kaga Soo Mudda Xaga Burco Iyo Barigeeda.. Allaylahey Kanaa waali Cas Ah.”Cali Guray
Hargaysa 13,June 2016 (SDN/QJ):- Saaka ‘’Shalay’’ waxan aad ugu qoslay Qareenadii Faysal oo Khilaafka UCID garan waayay cidda dacawaynaysa Faysal. Lakiin lamaan yaabin waayo dacawad madani ah ayay ka fakirayeen sidii nin kiradii guriga iska bixin waayay oo ninkii guriga lahaa dacwaynayo. Kamay ahayn aqoon lakiin dee wixii ay ku difaaci karayeen wax aan difaac lahayba way ka fakireen. Khilaafka UCID waa khilaaf siyaasi ah oo waji sharci leh waxa laga garnaqayaana waa wajigiisa dhinaca sharciga ee Xeerka Xisbiga iyo shuruucda kale ee saamaynta ku leh. Arinka meesha yaal waa ma jirtaa in Gudoomiyuhu uu ku xadgudbay ama ka been sheegay sharciga mise ma jirto. Jamaal Cali Xuseen musharaxa rasmiga ah ee Xisbigaa mise maaha ee Shirwayne ayuu u baahan yahay in laga ansixiyo ama lagu bedelo?. Markaa sheekadu waa garnaqsi dhinaca idaariga ah go’aanka Guddida Diiwaangelinta ayaa kama dambays ah lakiin dhinaca sharciga cidii ku qanci wayda waxa u furan inay rafcaan u qaadato Maxkamadda Sare.
Sidaas Waxaa lagu Bilaabay Qoraal uu Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid ka Qoray Ka Garnaqista Khilaafka Xisbiga Ucid oo Shalay Bilaabmay Waxaanu Qoraalkiisa oo dhamaystiran u dhignaa Sidan:-
“Allaylahey Tanaa waali cas ah. Ina Cali Waraabe qof dhan oo caadi ah maaha. Isaga ayaa iska hor iyo daba imanaya aakhirkana kama xishoonayo inuu isku marag furo isaga laftiisu. Khilaafka UCID waa loo wada joogi waxa uu sharcigu ka qabo oo ku daali maayo kana hor degi maayo sidiisa. Bal day wuxuu ku leeyahay .been baan sheegayay oo beenaale ayaan ahaa isaga ayaa qiranaya. Khaayin baan ahay oo hadii la i aaminay ciddii i aamintay waan khiyaamaynayay ilayn khaayin baan ahaye isaga qiranaya, oo weliba ku daraya wacad aan galay weligayba ma oofin ayuu weliba la soo taagan yahay.
Ma taas ayaan Waali Cas ahayn. Sida maanta gartiisa iiga muuqatay wax jira oo UCID la yidhaa oo awoodba leh waa isaga iyo Shirwaynaha. Isma waydiin mudada u dhaxaysa laba Shirwayne kii dhacay January 2012 iyo ka soo socda ee Janaury 2017 haya’dda ugu awooda saraysa xisbiga ma Faysal Cali Waraabaa la yidhaa mise Golaha Dhexe. Go’aanada Golaha Dhexe ma isaga ayaa warqad uu qoray ku burin kara, mise Shirwaynaha oo keliya ayaa awood u leh?.
Waxa inooga jawaabi sharciga bal Faysal iyo Golaha Dhexe ka awood badan ee aan sugno. Cali Gurey ayaa isaga oo qoraalkiisa sii wata waxa uu ka dhaartay in aanay jirin dan gaar ah oo uu ugu dheganaado ka mid ahaanshaha xisbiga ucid balse qoraalkiisa waxa uu ku soo xidhay hadal sarbeeb ah oo uu ku maagayo Beesha Madaxweyne Siilaanyo waxaana uu yidhi. Anigu waan soomanahay walaahi in aanan wax aan xilka UCID ku falayo iyo baahi ii haysa midna jirin. Gebi ahaanba UCIDna muraad kale kamaan lahayn ee waxan lahaa maalin ha gaadho inuu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland waana tii ta uu igu haysto Faydal. Bal ka waran oo adigu qiimee qofka Neceb inta jecel guusha UCID ee ku jecel inta leh ha guul daraysto eh burburi. Waa waali cas wax kale oynu odhan karnaa ma jirto. Waar iska daa cid kale eh kuwii isticmaalayay ayaa nacay oon hoodh maanta ku qoysanayn dan iyo muraadna ka lahayn ilayn kuwa uu qandaraaska ka soo qaatay iyo kuwii maalintii gudaafadda lagaga tegay u soo gurmaday wax u kala qarsooni ma jiraan oo waa isku habar keliya eh. Maanta iyagu way ogyihiin burburka UCID in aan wax dan ah oo ugu jirtaaba aanay jirine yuu u burburinayaa xisbigiisa. Hadii fursadan maanta UCID lumiyo iska daa xisbi xaakim uu noqdo ‘e iga gunta maantaba wujuudka magaciisu wuu ka tirtirmi doonaa waana ta ay rabaan qolada irbadda sunta ah kaga soo mudda xaga Burco iyo barigeeda”ayuu Cali Guray ku yidhi qoraalkaa oo uu ku faafiyey bogiisa Facebook-ga oo aanu ka soo xiganay qoraalkan.