Indian Ocean Newsletter Oo Qarxiyey Siro La Xidhiidha Qorshe Dhagaraysan Oo Ismaaciil Cumar Geelle Kaga Hor Tagayo Heshiiska Dpw Iyo Qaabka Xukuumadda Jsl U Kala Jabinayso Dadka Mucaaridka Ku Ah Heshiiskan
Paris , 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Wargeyska Siraha hoose faafiya ee Indian Ocean News Letter waxa uu shaaciyey qoraal kale oo uu kaga hadlayo xaaladaha gaarka ah ee ku gedaaman heshiiska hordhaca ah ee dhawaan Xukuumadda Somaliland la saxeexatay shirkadda DP World ee ku aaddan maal-gashiga Dekedda caalamiga ah ee Berbera isaga oo sheegay in heshiiskaasi hordhaca ahi si weyn uga cadhaysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo tan iyo maalintii uu soo baxay heshiiskaasi bilaabay shirqoolo hoose oo uu ku xagal daacinayo heshiiskaasi, halka wargeysku sheegay in dalka Itoobiya isagu dhinaca kale si weyn u soo dhawaynayo heshiiska DP World iyo Xukuumadda Somaliland isaga oo u arka in uu u yeelan karo dano dhaqaale maadaama aanu rabin in Dekedda Jabuuti oo kali ahi noqoto marsada uu isticmaalo ee uu wax kala soo dago.
Warbixintii ugu dambaysay ee Wargeyska African Intelligence Uu ka qoray arrintaasi oo uu Ciwaan uga dhigay ‘Duufaannada Laga Digayo Ee Ku Hareeraysan Heshiiska DPW Ee Dekedda Berbara’ Oo aannu qaybo ka mid ah idiin soo turjunnay waxa uu wargeysku ku sheegayaa saamaynta heshiiskaasi ku yeelanayo dalalka Geeska Afrika ee saamaynta ugu badan ku leh Somaliland sida Jabuuti iyo Itoobiya, sida xukuumadda Somaliland ugu dadaashay in ay heshiiskaasi ku qanciso cid kasta oo ay is lahayd waxa ay caqabad ku noqon kartaa heshiiskaasi sida siyaasiyiinta, halgamayaasha iyo dadka ka soo jeeda deegaanada Gobolka Saaxil iyo Hargeysa iyo waliba sida dawladda Itoobiya u soo dhawaysay heshiiskaasi oo saamayn ku yeelan doona mashruuca jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaano Berbera Corridor.
Wargeyska Indian Ocean Newsletter waxa uu si cad u sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle indho gaar ah ku hayo heshiiskaasi kuna dadaalayo wax kasta oo ay ku qaadato in u fashiliyo maadaama buu yidhi wargeysku Mashruucani saamayn ku yeelan karo Dekedda Jabuuti oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee ay ku tiirsan tahay Jamhuuriyadda Jabuuti.
War-sidahani waxa uu tilmaamay in Ismaaciil Cumar Geelle fashilinta heshiiskaasi u adeegsan doono ganacsato iyo dad magac leh oo u dhashay Somaliland oo kacdoon culus kaga hor yimaad isaga oo ku bixin doona dhaqaale iyo hub xataa keeni kara xaalado nabad gelyo xumo.
Wargeysku waxa uu xusay in xukuumadda Somaliland difaaci doonto heshiiskaasi ay Dubai ku soo gashay hordhiciisa iyaga oo siyaasiyiinta iyo odayaasha reer berbera gacanta ku qabtay sida Halgamaaga Ibraahim Dhago Weyne oo xukuumaddu u aragto in uu halis ku noqon karayey heshiiskaasi balse ay heshiis hoose kula gashay in aanu carqaladayn heshiiskaasi iyada oo u martay xubnaha xukuumadda kaga jira qabiilkiisa kuwaasi oo kulan qarsoodi ahi ku dhex maray Caasimadda Hargeysa, iyo Injineer Cali Xoorxoor oo xukuumaddu ku dadaashay in ay gacanta ku hayso si aanu heshiiska uga hor iman.
Warbixinta wargeyskani arrinkan ka qoray waxa ay intaasi ku daraysaa in Somaliland oo ku tiirsan inta badan dhaqaalaha ka soo gala dekadda Berbera oo aan adduunka ka helin wax gargaar aadamnimo ahi u noqon karo fursad maal-gashi oo Dekedda lagu ballaadhiyo balse dad badani werwer ka qabaan sida uu daacadnimo ugu hir geli karo mashruucaasi iyada oo danta dalka iyo dadka la eegayo.
Ugu dambayn wargeysku waxa uu warbixintiisan ku sheegay sida ay dawladda Itoobiya u ilaalin doonto hir gelinta mashruucaasi kaasi oo ay danaheeda dhaqaale ka dhex arki karto haddii uu guulaysto waxaanse la ogayn halka uu sal dhigi doono doorka Ismaaciil Cumar Geelle ka qaadan karo heshiiskaasi oo uu u arko mid halis ku ah danihiisa dhaqaale.
Xigasho: Indian Ocean Newsletter