|

Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland oo ka Hadlay Doorashooyinka Is barkan ee Madaxtooyada iyo Wakiiladda in la Kala Qaadayo DAAWO

baasheHargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay in la Kala Qaadayo Doorashooyinka Is barkan ee Sannadkan inagu soo Fool leh ka dhici doona Somaliland Waxaanu Sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyeen Qadiyada Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda oo ah Halka Khilaafka ugu adagi ka taagan yahay waxaa kale oo Gudoomiye Ku Xigeenku Baaq nabadeed u diray Laba Beelood oo Walaalo ah oo Shaqaaqo ku dhex martay Deegaanka Dharkeyn Geeyo ee Gobolka Sool.
Dhanka Kale Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladu waxa uu ka hadlay Waxyaabaha uu daaranaa Shir uu kaga qayb galay dalka Maraykanka dhawaan.

Comments are closed