Mashruucii Xukuumaddu Dabada Ka Riixi Jirtay Ee Banka Qoolcaday Oo Gabi Ahaanba La Kansalay Iyo Lacagtii Mashruucaasi Oo Meel Kale Loo Duway
Hargeysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): –Mashruucii shaqaaqadu dhawaan ka dhacday, Muddadana Muranku ka taagnaa ee ay dadka deegaanka iyo xukuumaddu isaga hor iman jireen ee Banka Qoolcaday ayaa gabi ahaanba la kansal gareeyey kadib kulankii dhawaan ku qabsoomay Caasimadda Hargeysa ee Isu-duwidda Deeqaha Somaliland hesho ee Mashruuca SDF kaasi oo warar xog ogaal ahi sheegeen in lacagtii mashruucaasi ku bixi lahayd loo leexiyey dhismaha Jidka Isku xidha Degmada Sallaxlay iyo Caasimadda Hargeysa.
Warar xog ogaal ah oo ka ag dhaw hawsha Mashruucan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Xukuumadda iyo Masuuliyiinta Mashruuca Deeqaha Horumarinta Somaliland ee SDF ay isla qaateen in hawshii Mashruuca Xidhista Banka Qoolcaday la joojiyo gabi ahaanba kadib dadaal xubno xukuumadda kaga jira dadka deegaankaasi iyo masuuliyiinta SDF oo isla qaatay in qorshahaasi sidaa loo baddalo. Kadib in muddo ah oo muran uu ka bixi waayay hirgelinta mashruucaasi lacagtii ku bixi lahayd oo dhan 1.6 Million oo dollar ayaa la qorsheeyey in loo leexiyo hirgelinta kaabayaal dhaqaale oo kale sida Jidka isku xidha Degmada Sallaxlay iyo Caasimadda Hargeysa oo muddoba socday iyo waliba dhaamam iyo ceel biyoodyo laga qodo deegaankaasi.
Inkasta oo Mashruuca Banka Qoolcaday ay xukuumaddu aad ugu dadaashay in uu hir-galo, xaalado adagina ka taagnaayen in muddo ah, si kasta oo dadka deegaanku walaac uga qabeen haddana wararka na soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in Masuuliyiin uu ka mid yahay Ambasaddor Kaysar Maxamed Cabdilaahi oo ah Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Somaliland ay xukuumadda iyo deeq bixiyayaasha mashruucan ku qanciyeen in lacagta mashruucaasi loo qoondeeyey ee dhammayd $1.6-Milyan inta ugu badan lagu dhiso jidka Sallaxlay iyo Hargeysa isku xidha maadaama mashruucan ay siyaasaddiisa ka mid tahay horumarinta waddooyinku oo qaybo badan oo dalka ka mid ah uu ka socdo taasi oo la sheegay in $1.4 Million la isla qaatay in jidkaasi loo leexiyo halka $0.4-million-ka kalena dadka deegaankaasi Sallaxlay loogu dhiso ceelal ama dhaamam ay biyo ka helaan. Banka Qoolcaday oo muran badani ka taagnaa hirgelinta xidhmaha seerihiisa ayaa sidaa ku hakanaya iyada oo banka kale ee Aroori ay xukuumaddu hawshiisa wadday tan iyo markii uu Wasaaradda Xanaanada Xoolaha joogay Marxuum Cabdi Aw Daahir kaasi oo sidii loogu talo galay u socda.