|

“Dadkii Dambiga Galay Ee Abkhazia Geeyay Ciyaartoyga Waa Lala Xisaabtamayaa” Agaasimaha Guud Ee Ciyaaraha Oo Sheegay In Wasiirro Ay Faro-geliyeen Ciyaaraha

Hargaysa 12,June 2016 (SDN/QJ):- Agaasimaha Guud ee wasaaradda  Dhalinyarrada, Ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sheegay in lala xisaabtami doono dadkii sameeyay wax uu ugu yeedhay dambiga ee koox Somaliland ka socotay geeyay Abkhazia oo lagu qabtay tartan ay ka qeyb galeen 12 dal oo ka kala socday dunida aan la aqoonsayn.

agaasimaha-ciyaaraha-2Agaasimaha ciyaaruhu waxa uu ku celiyay mawqifkii wadaaradiisu hore uga taagnayd kooxdii ka qeyb gashay tartankii ciyaaraha dunida aan la aqoonsanayn ee lagu qabtay Abkhazia oo uu sheegay inaanay jeclayn in Somaliland ka qeyb gasho tartan wax uu ugu yeedhay meel aanay dawladi ka jirin.

“Arrintani waxay ahayd arrin laf-jab ah, dadkii dambigaas sameeyayna waa lala xisaabtamayaa,”ayuu ku adkaystay Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo shalay u waraysi gaar ah siiyay shabakadda Hadhwanaagnews.

 

Agaasimuhu waxa uu sheegay dhibaatooyinka ciyaaraha ka qabsada, waxaanu yidhi “Khaladaadka ciyaaraheennu leeyihiin waxa ka mid ah madaxdii baa soo faro-gelinaysa. Ciyaarihii gobollada ee u dambeeyay ee 2013-kii qabsoomay waxa ka mid ahaa in Wasiirro soo faro-geliyeen oo ay tageen garoonka gudihiisa oo ay arrintii farsamadda ahayd faraha la galeen. Waa arrimaha aanu doonayno inaanu mamnuucno maadaama oo ciyaaraha ay mamnuuc ka tahay siyaasadda iyo qabaa’ilku.”

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray “Ciyaaraha waa lagaga saaraa dhibaatooyinka bulshooyinka haysta sida qabiilka iyo khilaafaadkoodaba. Waxa adduunyadda lagu suuliyay midabka caddaanka iyo madowga u dhaxeeyay. Dadku iyagoo kala diin ah, kala gobol ah oo farqi u dhaxeeyo ayaa ciyaaraha lagu mideynayaa.”

“Waa tan dadku carabta ku hayaan ee ay leeyihiin ciyaarihii gobollada ayaa lagu fashilmay, maya anigu waxaan qabaa inaanaan wasaarad ahaan fashilmin, laakiin qorshihii aanu annagu u dhignay ayaanu ku soconay oo ahaa is reeb-reeb. Markii aanu furaynay ayaanu ku dhawaaqnay haddii dib loogu noqdo oo aanu caddeynay inay ciyaarihii u dambeeyay ee gobolladu ahaayeen is reeb reeb,”ayuu yidhi Agaasimuhu waxaanu sheegay inay dhawaan daboolka ka qaadayaan xilliga la qaban doono tartankii loo qaban lahaa 8-dii gobol ee tartankii hore ku soo baxay.

Agaasime Maxamed Xuseen oo la weydiiyay baaqa uu u dirayo dadweynaha iyo tijaarta waxa uu yidhi “Dadkeennu waxa xun ayay dhiiri-geliyaan, maanta qaadka ayay isku wada qaadayaan.laakiin lagama yaabo xabada jaraa’id ah ee laba kun la siisto lagama yaabo inay u huraan oo ay iibsadaan, taas ayaa markaa keenaysa inaan garoomadii lacag lagu daawan.”

 

“Dadka Lacagta gacanta ku haya waxaad moodaa inay yihiin dad aan markii ay yaraayeen magaallooyinka aan ku korin,”ayuu ku canaantay agaasimuhu ganacsatadda.

Comments are closed