“Xadhiga Iyo Dilka Loo Gaysto Qoomiyada Somalida Wuu Ka Gadisan Yahay Kuwa Loo Gaysto Qoomiyadaha Kale Ee Dalkeenan Itoobiya” Madaxweyne Iley
Jigjiga 10.June 2016 (SDN/QJ):- Hadal qoraalkan ciwaanka aan uga dhigay qormadaydan waxa uu ka mid yahay hadalo uu ku hadlayay madaxweynaha kililka shanaad ee itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar Ilay.
Goorta uu hadalkan jeedinayay waxa uu la hadlayay dadwaynaha ku nool magaalada jigjiga iyo guud ahaan umadda somaaliyeed ee ku dhaqan kililka shanaad oo kala socday telefisionka ESTV.
Sida uu madaxwaynuhu sheegay hadal qoraalkan aan ciwaanka uga dhigay qormadaydan waxa uu sheegay in uu ugu khudbadeeyay ra`iisal wasaarahii hore ee MALASZINAWI mar uu shir u qabtay madaxda sagaalka kilil ee ay itoobiya ka kooban tahay.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in ra`iisal wasaarahu hogo tusaalaynayay hab dhaqameedka kala gadisan ee bulshada ku nool dalkan itoobiya iyo sida ay dowladdu qoomiyad kasta ula dhaqanto.
Isaga oo sheegay in ra`iisal wasaaruhu yidhi marka qof laga xidho qoomiyadaha kale ee itoobiya xadhigaasi waxa uu ku eg yahay oo kaliya saamayntiisu qofka la xidhay balse qoomiyada soomaalidu iyada haddii qof la xidho waxa aad xidhay jilib iyo reer dhan markaa in soomaalida dhaqankeeda si gaar ah loola socdo oo loo fahamsanaado ayay tahay. qoomiyad kastana sideeda ayaanu ula dhaqanaa haddaanu nahay dowladda federaalka itoobiya.