|

Jadwalka Culimada Bishan Ramadaan Tujinaysa Salaadaha Taraawiixda Masjidka Xaramka

Makka Al Mukarrama 10.June 2016 (SDN/QJ):- Ka hor intii aanay curan Bishan Barakaysan ee Ramadaan, Golaha Sare ee maamula Masaajidda Xurmada leh ee Xaramka iyo Masjidka Nabiga NNKHA waxa ay soo saareen liiska culimada Muslimiinta ku tujin doonta labadan Masjid ee Xurmada leh sannadda 1437- 2006 waxaanay culimadaasi kala yihiin: Sheekh Dr. Cabdiraxmaan Bin Cabdicasiis Al-sudeys, Sheekh Dr. Sacuud Bin Ibraahiim Al shureym, Sheekh Dr. Cabdallah Bin Cawad Al Jihani, Sheekh Dr. Maahir Bin Xamad Al-mucayqili, Sheekh Dr. Khaalid Bin Cali Al Qaamidi, Sheekh Dr. Bandar Bin Cabdicasiis Baleela.

13393941_1350317201650932_4037411012990984100_nWaxaanu sheegay maamulaha idaarada arrimaha imaamyada iyo mu’adiniinta Masjidka Xaramku Maxamed Bin Mufrij Alcumeyri in labaatanka hore ee Bishan Barakaysan ee Ramadaan ay masaajidkaasi Xaramka Tukin doonaan culimada Saciid Shureym, Cabdiraxmaan Al Sudays, Cabdalla Al Jihani iyo sheekh Maahir Al Mucayqili.

Culimadan ayaa hannaan is waydaar ah waxa ay habeenada Bishan Barakaysan ee Ramadaan lagu jiro u gali doonaan salaadda Tarawiixda iyaga oo tobanka dambe isu qaybin doona Salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka halka la filayo in habeenka ugu dambaysa ducada salaadda Witrida uu gali doono Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudaysi.

Masaajidka Xurmada leh ayaa dib u habayn ballaadhan oo dhinaca dhismaha ah lagu sameeyey iyada oo sannad walba ay socoto hawlo masaajidka Xaramka lagu ballaadhinayo, lagu qurxiyo laguna hagaajiyo adeegiisa si loogu fududeeyo dadka musalliinta ah, kuwa soo cimraystay iyo kuwa xajka u imanaya sannad walba. Waxaana xusid mudan in sannadkan Masaajidka Xaramka laga dhex qaaday wareeggii dawaafka ahaa ee labada dabaq ahaa eek u hareeraysnaa Kabcada ee sannadkii hore ku yaallay.

Culimadan ayaa ah kuwa loogu jecel yahay qiraa’adooda quraanka.

Comments are closed