|

Muwaadin Reer Laasqoray Ah Oo Sheegay In Ay Caddaymo U Hayaan Fadeexadda Uu Wasiir Buureed Ku Kacay

Hargaysa 10.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Cali Maxamuud Jaamac (Buureed) ayaa gabi ahaanba Musuq maasuqay Qalab kaluumaysi oo la sheegay in Xukuumaddu ugu dhiibtay Ganacsatada Kaluumaysiga Dekeda Laasqoray ee Somaliland,waxaanu sida la sheegay Wasiirku qalabkaasi uu u iibsaday Qaab Private ah oo uu lacagtii uga soo xerootay uu jeebka ku shubtay, Isagoo qalabkaasi sida la sheegay ka iibiyay Ganacsatada Kaluumaysiga Maamul Goboleedka Puntland.

buureedWarkani oo Wargeyska Foore helay ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirku dhawr jeer oo hore uu sidan oo kale uu u musuq maasuqay qalab kaluumaysi oo noocan oo kale ah. Sida warkan lagu sheegay waxa qalabkan hadda la lunsaday loogu talo galay in lagu horumariyo Iskaashatada Kaluumaysatada Dekeda Laasqoray,balse waxa gabi ahaanba Qalabkaasi si aan gabasho lahayn u gatay oo suuqyada ka iibiyay Wasiirka Kaluumaysiga oo sida la sheegay aan waxba iskaga tirin Halkii iyo cidii loogu dhiibay waxaanay arintaasi keentay in Warkaasi ifka u soo baxo oo la ogaado halka uu Wasiirku mariyay Qalabkaasi. Waxa uu wasiirku ka iibiyay Qalabkan sida la sheegay Shirkado Kaluumaysi oo laga leeyahay Maamul Goboleedka Puntland.

Qoraal uu arintani kaga hadlayo Cabdirashiid Cabdi Jiidhe oo ka soo jeeda Deegaanka Laasqoray oo uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay ayaa waxa yidhi sidan “Mashruucan Oo Wax Wayn Ka tarilahaa Hurumarinta Kaluumaysi, Korna Uqaadilahaa Dhaqaalahooda Hadii Uu Wasiir Cali Buureed Qalabkaas Gaadhsiinlahaa Oo Aanu Ka Ii Biyeen Iskaashatada Kaluumasiyeed Ee Boosaaso, Taas Waxaanu Haynaa Cadaymo Muujinaya Cidii Laga Ii Biyey Oo Ah Guddoomiyaha Iskaashatada Kaluumaysiga Boosaaso Oo Layidhaa Axmed Maxamed”.

Waxa kale oo uu Qoraalkiisan ku yidhi “Hadaba Waxaa Iswaydiin Leh Wasiirkan Kaluumaysiga Somaliland Oo Aan Cidna Cabsi Ka Haynin oo Caadaystay Iibka Hantida Kaluumaysatada Somaliland, Waxaanu Maxadwaynaha Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ka Codsanaynaa In Uu Talaabo Kaqaado Wasiirkan Wasaarada Kalumaysiga Somaliland Ee Cunaaya Qalablka Kaluumaysiga Logu Talo Galay Muwadiniinta Ka Ganacsata Kaluunka”. Ayuu Qoraalkiisa ku soo koobay.

ma aha markii ugu horraysay ee wasiirkan lagu eedeeyo arrintan.

Comments are closed