Dawladda Oo Sharaxday Qaabka Ay u Waajahayso Nabadeynta Beelihii Ku Diriray Dharkeyn-geeye
Laascaanood 10.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirul dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Somaliland oo gurmad nabadayn ah ku jooga gobolka Sool,ayaa sheegay in nabadayntii ay u tageen gobolka Sool iyo daminta colaada Dharkayn-geeye ee khasaaraha dhalisay ay meel wanaagsan u marayso.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dhinacyada ay shaqaaqadu dhex martay ay is arkeen islana qaateen in aan wax dambe dhicin gogol nabadeedna loo dhigo oo la isa soo hor fadhiisiyo.
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN,ayaa intaa ku daray in ka xukuumad ahaan in aanay u dul qaadanayn in la arko qof qori sita oo hubaysan.
Wasiirka oo ka jawaabayay suaal aanu ka waydiinay waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay u marayso nabadaynta ay ka dhex wadaan labada beelood ee walaalaha ah,ayaa yidhi. “Meel wanaagsan ayay noo maraysaa ciidamadii labada beeloodna waanu kala qaadnay wax dhibaato ah oo imika halkaa ka jirtaana ma jirto waxaa kale oo aanu kulamo la yeelanay waxgaradka labada dhinac oo aanu ka wada hadalnay in aan wax dambe dhicin,intaa ka dibna waxaa looga gudbayaa in arrinta la soo afjaro oo aanay wax dambe dhicin ama aan cid dambe iskaga keen dhiman.”
Wasiirul dawlaha amniga oo la waydiinay goorta ay labada dhinac isu keenayaan iyo sida ay uga hor tegayaan in dhibaato dambe ay dhacdo,waxa uu yidhi “Imika waxa ugu weyn ee aanu ka hawl-gallay waxay ahayd in dhiigga daadanaya la joojiyo oo aan dad iskaga keen dhiman iyo wixii dhib ah ee jirta si nabad ah looga wada hadlo,waxaa kale oo aanu sugaynaa Madaxdhaqeedka Somaliland oo ka qeyb qaadanaya nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah taana waan gudo-galaynaa.”
Wasiirka oo la waydiiyay in shaqadii guurtida ay ahayd nabadaynta beelaha xurgufuhu ay dhex maraan isla markaana ay Xukuumaddu kala wareegtay taasina ay keeni karto in beelaha qaar ku kalsoonaan waayaan waan waanta Xukuumadda, waxaanu yidhi “Horta annagu(Xukuumadda) dawlad ayaanu dalka ka nahay oo masuuliyad ayaa naga saaran in colaad aan wax tarayn oo dad nagaga dhintana ogolaan mayno intaan ka hor tegi karnana waan ka hor tegaynaa, Guurti iyo Madaxdhaqameedba arrinta nabadayntuna way u furan tahay waanay noogu imanayaan laakiin dhiiga daadanayay ayaanu joojinay oo ciidankii Qaranka,ayaa kala dhex galay oo deegaamadii shaqaaqadu ka dhacday hadda ciidankii Qaranku waxay degaamo iyo xeryo ka samaysteen si aanay dhib dambe uga dhicin.”
Wasiirka oo ka jawaabayay waxyaabaha ka jira in xarunta gobolka Sool ee Laascaanood Bandoo lagu soo rogay,ayaa yidhi. “Ma jirto bandoo lagu soo rogay laakiin waxaanu diidnay oo aanu mamnuucnay in hub la qaato oo dadka rayidka ahi iyagoo hubaysan ay magaallooyinka dhex maraan waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo ciddii aanu arrintan ku qabanno.”