|

“Agaasimaha Guud Ayaa u Sabab Ah Inay Wasaaradda Deegaanku Ilowdo Xafiiskeeda Laascaanood” Cabdi Xirsi Jiir

Laascaanood 10.June 2016 (SDN/QJ):- Maamulaha Wasaaradda Deegaanka ee Magaalada Laascaanood, Cabdi Xirsi Jiir, ayaa sheegay in xarunta wasaaradda Deegaanka ee gobolka Sool in aanay shaqayn isla markaana shaqadii ay qaranka u qaban la haayeen uu fadhiid ka dhiigay Agaasimaha guud ee wasaaradaas oo uu ku eedeeyay in aanu wax wada shaqayn ahba la lahayn gobolka Sool.

201614635874935895601942Dhuxusha_Gobolka_Sool-8Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Xarunta Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Sool in loo soo magacaabay Isuduwe aan Hargeysa soo dhaafin wax shaqo ahna aan gobolka ka qaban.“Maalintii deegaanka adduunka la xusayay gobolka Sool munaasibad ah kamaanu qaban waxaana sabab u ah Agaasimaha guud oo wax kasta oo suuro-gelin lahaa in gobolka Sool degmooyinkiisa oo dhan in maalinta deegaanka laga xuso oo xagiisa ku maqnaaday oo uu la habsaamay,waxaa kale oo sabab u ah in gobolka laga xusi waayo maalinta caalamiga ah ee deegaanka Isuduwaha uu agaasimaha guud soo magacaabay sideed bilood ka hor maba aragno oo Hargeysa sooma dhaafo,waxaanan u aragnaa taasi in ay tahay qorshe Agaasimaha Guud uu xarunta gobolka fadhiid kaga dhigayo.”ayuu yidhi Cabdi Xirsi Jiir Maamulaha Xarunta Wasaaradda Deegaanka ee Laascaanood oo khadka tilifoonka ugu waramay wargeyska Dawan.
Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan Wasiirka iyo madaxda qarankaba u sheegayaa in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanku go,doomiyay xarunta Wasaaradda isla markaana wax wada shaqayn ah aanu la lahayn isu duwaha uu magacaabayna uu isaga Hargeysa la joogo oo aanu gobolka iman kana hawlgalin. Annagu waxaanu imika ka hawl-galnaa oo aanu la dagaalanaa dhuxulaysiga iyo goynta dhirta qoyan oo aanu iska kaashano waxgaradka iyo ururada bulshada iyo maamulka gobolka laakiin ma hayno maamul wasaaradeed oo nala shaqeeya.” Ayuu yidhi Maamule Cabdi

Comments are closed