Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo Saaka Ku Soo Guryo noqonaya Caasimada Somaliland
Hargaysa,5 June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka la Filayaa inuu Caasimada hargaysa soo Gaadho Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo Mudo dheer deganaa Dalka Ingiriiska.
Caasimada dalka ee Hargaysa ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Xoogan oo Muxaafid iyo Mucaaridba ay ku soo dhaweynayaan ku soo Guryo Noqoshada Mujaahidka ee Dalkiisa Hooyo.
Xukuumada ayaa ilaa Xalay waday dhaqdhaqaaq ay Si Mug leh uga qaybqaadanayso soo Dhawaynta Mujaahid Axmed Mire,Iyadoo Shaaricyada Caasimada lagu arkayay Gaadiid lagu rakibay Codbaahiyeyaal Isla markaana lagu Xardhay Sawirka Mujaahidka oo marba dhinac u qaadaya wadooyinka Caasimada.
Mujaahidka ayaa Mudo Dheer ka Maqnaa Saaxada Siyaasada Somaliland lamana garanayo in Socdaalkiisani uu wax ka bedelayo dibad joogii uu ka ahaa Siyaasada Somaliland.