|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Xafiiskiisa la dhigay Miino iyo Ciidamada Amniga oo Sadex ruux qabtay

Hargaysa 05.June 2016 (SDN/QJ):- Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda sare ee Somaliland.

Illaa hada xukuumadda Somaliland war kamay soo saarin qabashada sadexda nin, hase yeeshee ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sadexda nin ay Miino nooca qalinka ah dhigen xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare, taasoo ay ugu talo galeen inay ku qarxiyaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Sadexda nin ayey Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalinkii Miinada ahaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.

Ma cada nimanka la qabtay waxa ay ahaayeen, hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamadda amniga ayaa sheegay in uu ka tirsanaa nin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa heegan la galiyey, waxaana laga dareemayey feejignaan dheeraad ah agagaarka maxkamaddaha Hargeysa.

 

Comments are closed