Muxuu ka Dhigan yahay Weerarkii lagu Qaaday Hotel Ambassador Ee Muqdisho ? FAALLO
Muqdisho 05.June 2016 (SDN/QJ):- Dabcan ma ahan Wax ku Cusub Shacabka Muqdisho ku nool Weerarrada noocaan oo kale ah oo inta badan Al-shabaab ay la beegsadaan Xarumaha ama goobaha shacabka ee ka dadban maamulka Dowladda Somalia, Balse Weerarkii Hotel Ambassador, waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa cashar kale oo laamaha amniga muhiim tahay in ay ka bartaan xeeladaha inta badan ay adeegsadaan dagaalyahannada Al-shabaab.
Dadaalku ma yara oo waxaad arkeysa laamaha ammniga oo mar walba Warbaahinta u soo bandhigaya hub iyo Gaadiid walxaha Qaraxa lagu soo raray oo lagu qabtay caasimadda iyo mar marka qaar dhalinyarro Wejiyada laga soo xidho dabadeedna lagu sheego in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, balse talaabooyinkaa oo idil uma muuqdaan kuwo baajinaya weerarada qorsheysan ee ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sida weerarka loo qorsheeyay iyo wakhtiga dheer ee ciidammada dowladda ay ku qaadatay in ay gudaha u gallaan hotelka, waxaa ay kuu muujineysaa khatarta Ammaan ee kooxda Al-shabaab oo marar badan oo hore dowladda ku celcelisay in laga takhlusay.
Hay’adda Sirdoonka Dowladda Soomaaliya (NISA), ayaa inta badan lagu dhaliilaa in ayna laheyn khibrad ilaa xad gaadhsiisan in laga sii war helo bartilmaameedka kooxda, taa badalkeedana marka uu dhaco weerarka kadib ayey saraakiisha hay’adaha ammaanka dadka uga digaan weeraro kale oo laga yaabo in lagu qaado xarumo muhiim ah iyo goobaha dadku ku badan yihiin, taasoo muujineysa quusta iyo rajo beelka ka taagan sugida ammniga caasimada.
Shacabka, ayaa mar walba noqda kuwa saameynta ugu badan ay ka soo gaadho Weerarrada noocan oo kale ah oo lagu soo beego waqtigyada ay ugu mashquulka badan yihiin goobaha la bartilmaameesanayo.
Weerarkii Xalay oo kusoo beegmay xili xasaasi ah oo la isku diyaarinayo doorashada 2016-ka iyo Isbeddelka Dowladnimo, ayaa Dhinaca kale Dibadda uu soo saaray eedeymo Marar badan loo jeediyay Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud, oo lagu Tilmaamay mid inta badan Wakhtigeeda ku dhameysatay deggenaan la’aan siyaasadeed iyo is qab-qabsi ka Dhex-jira Hay’adaha Dowladda ah, halkii loo bahaan in ay xoogga saarto wax ka qabashada amaanka oo safka hore ka ahaa balanqaadyadii Madaxweynaha.
Hotelka AMBASSADOR oo ka mid ah hotellada ugu casrisan caasimadda saldhigna u ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Somalia ayaa Weerarka lagu qaaday sidoo kale waxaa uu dibadda u soo saarayaa shaki in badan laga qabay in ay jiraan shabakado isku xidhan oo Al-shabaab kala shaqeeya u Fududeynta Weerarrada – Maaddaama ay Adag tahay in Saddex ilaa afar ruux oo hubeysan iskood gudaha ugu gallaan hotel siddaa oo kale muhiim u ah amaankiisana la ilaaliyo.
Taliyaha Sirdoonka Somalia, Jen C/raxmaan Tuur-yare ayaa sheegay in ku dhawaad Sagaal saacadood oo xidhiidh ah ciidammada qalabka sida la dagaallamayeen xoogagga weerarka soo qaaday. halka Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) isna dhiciisa uu sheegay in muddo saddex bilood guhadeed ah ciidammada dowladda fashiliyeen sidda uu hadalka u dhigay ilaa 14 qarax.
Madaxda Dowladda Somalia, ayaa marar badan oo hore faray Mulkiilayaasha hotellada inay ka fekeraan Ammaanka iyo Nabad-galyada dadka ay marti-galinayaan, taasoo macnaheedu noqonaya in dowladda ayna awood badan u laheyn sugidda amniga Hoteellada oo hoy u ah qaar badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya, ayaa mar sii horeysay iska wareejisay Amniga caasimadda Muqdisho oo si toos ah loo hoos geeyay maamulka gobolka Banaadir oo ilaa iyo hadda aan si faah faahsan uga hadal sidda ay wax uga dhaceen hotelka.
Ugu dambeyn, Amniga caasimadda Muqdisho ayaa u muuqda mid aan wali fari ka qodnayn, waxaana ay dadku wadanaha farta kaga hayaan weeraro kale oo qorsheysan oo ka dhici kara magaalada xili ay food nagu soo heyso bisha barakaceysan ee Ramadaan.