|

Somaliland oo Ka Hadhay Tartanka Dalalka Aan La Aqoonsanayn ee Koobka Adduunka ee Conifa 

Abkhasiya 02.June 2016 (SDN/QJ):- Xulka kubbada cagta qaranka Somaliland ayaa ka hadhay tartanka Koobka aduunka ee Conifa world Football Cup, kadib markii ay guuldaradii labaad kala kulmeen xulka qaranka Panjab.

live2Naadiga horyaalka heerka labaad Ingiriiska ka ciyaarta ee DARLINGTON weeraryahankeeda, Amar Purewal saddex gooley uu dhaliyey – Gool uu dhaliyey ciyaaryahanka ay mataanaha yihiin ee Arjun Purewal iyo gool oo uu u raaciyey Gurjit Singh ayuu xulka Panjab ku khaarajiyey kagana reebay koobka aduunka, qaranka Somaliland.

Conifa 2016 oo ah tartan ay isugu yimaadeen 12 dal oo aan midina aqoonsi ka haysan beesha caalamka, Somaliland-na ay kamid tahay, ayaa ciyaartii labaad ee Group D, 5-0 lagu muquuniyey xulkeena, halka Panjab ay kaalinta koobaad kaga baxday hormadan Xulka qaranka Sapmi ay ku wehelinayeen.

Somaliland ayay guuldaradani u ahayd tii labaad ee 5-0 lagaga badiyo, taas oo loo aanayn karo, isla qabsi la’aan ciyaaryahanada oo aan wakhti tababar helin darteed ah, oo ay u wehelinaysay dhaawacyo ciyaaryahanada qabsaday kulankii furitaanka, iyo taageero la’aan dhinac walba ah oo uu koobku ugu bilaabmay.

Halka guusha xulka Panjab, ay ahayd toodii labaad kadib markii ay Sabtidiina 1-0 ku soo dul mareen qaranka Sapmi.

Tartankan oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka kubbada cagta dalalka aan la aqoonsanayn ee magacooda loo soo gaabiyo (CONIFA), kaas oo si habsami leh uga socda wadanka ka go’ay dalka Georgia ee Jamhuuriyada Abkhazia.

Xulka Somaliland iyo 12 wadan oo kale ayaa ka qayb galaya tartankan, kuwaas oo kala ah : Abkhazia, Chagos Islands, Kurdistan, Northern Cyprus, Padania, Raetia.

Comments are closed