Muqdisho: 60 Jir Ka Qayb Galay Imtixaanaadka Dugsiyada Sare Ee Sannadkan DAAWO
Muqdiso 02.June 2016 (SDN/QJ):- Axmadey Saney oo ah 60-jir ah ayaa ka mid noqday Ardayda sannadkan u fadhiistay Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasoo ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Somalia.
Ninkan ayaa ka mid ah arday todobaadkan u fadhiisatay Imtixaanka Dugsiga Sare ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Axmadey Saney ayaa hambalyo ka helay dadka Soomaaliyeed oo u rejeeyay inuu guul ka soo hooyo Imtixaanka, waxaana sawiradiisa la soo geliyay baraha bulshada oo dadka siyaabo kala duwan ugu hadlayeen.
Dadka qaar ayaa muujinayay in aanay waxbarashada ku xidhnayn da’, isla markaana aanay ceeb ahayn in qof da’ ah uu waxbarto.
Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sannadkii labaad qaadaysa Imtixaanaadka dugsiga Sare, waxaana sannadkan gobolada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya u fadhiisatay illaa 45 kun oo arday.