Xildhibaan Indho Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Cali Khaliif kuna sifeeyay Shakhsi Caleentiisu Cadaatay
Hargeysa 02.June 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Indho Indho oo ka mida mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland, ayaa Cali Khaliif Galaydh ku tilmaamay shaqsi caleentiisu cadaatay, islamarkaanu wuxuu sheegay in dadka reer laascaanod ka gudbeen dagaal oo ay u gudbeen dhinaca horumarka.
Xildhibaanu wuxuu sidoo kale Cali Khaliif ugu hanjabay in xabsiga mandheera la keeni doono goor aan dheerayn”“Dadka reer Laascaanood nabad bay u baahan yihiin, horumar bay u baahan yihiin, uma baahana wuxuu Cali Khaliif la dhuh leeyay, waxay qaadanayaanna maaha, waxa laga dhegaysanayna maaha, waxa laascaanood ka suuragelayna maaha, waxa wax ku samayn karana maaha oo dadka meesha jooga uu dagaal si yar u galan karanna maaha oo waxa way ka koreen, wax dhibaato ah oo meesha ka dhacaya ma jirto.”Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho
Sidoo kale, Xildhibaan indho indho wuxuu sheegay in horjooge Cali Khaliif caleentiisu cadaatay “Waxaan u malaynayaa inay isaga caleentiisu cadaatay, oo haddii uu leeyay meeshan soo galaya, waxaan leeyahay Caliyoow Mandheera iigu tagga indho oo raashin iigu keen ah odhan.”ayuu yidhi Indho-indho