Xog Culus: Maxaa ka Jira in Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ku Biirayo Xisbiga Kulmiye,Mase Jirtaa in Saylici lagu Bedelayo? DAAWO
Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Markii Kowaad ka hadlay Warar Sheegaya in Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo haatan ku Sugan Magaalada Hargaysa uu ku Biirayo Xisbiga Kulmiye.
Waxaa kale oo Gudoomiye Biixi uu ka hadlay Xidhiidhka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland,Sababta keentay in Ganacsade Boore lagu dhex arko weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo Markii ay ku Sugnaayeen Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.