|

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Inay Ka Gaabisay Horumarinta Goboladda Bari DAAWO

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa cadeeyay in xukuumada Somaliland ay ka gaabisay horumarka, wax u qabashada gobolada beriga Somaliland.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in markii xukuumada Somaliland goboladaasi waxba u qaban wayday, qaar ka mid ah laga dhex taagay calanka Somaliya. Xildhibaan Baar oo arrimaha ka hadlaya waxay tidhi “Haddii dhalinyarro haddasho iyo haddii waayeel soo galaba, xukuumadda maanta taladda haysa ayaa fashilaada leh, iyadda dayacday, iyadda xilkeedii ka soo bixi wayday oo haddii dadku xuquuqdooda waayaan wax ka badan baa imanaya.”Ayay tidhi Xildhibaan Baar waxayna hadalkeedii sii raacisay “Imika doorashooyin baa jira oo wax alle iyo wax u diyaarsan oo loo diyaariyay ma hayno, komishanku waxay sheegeen meesha ay doorasho ka dhacayso iyo meesha u baahan in ciidan la geeyo oo ilaa hadda midna wax xil ah oo la iska saaray ma jirto, laakiin waxaan leeyay dayac baa dadka heerkan gaadhsiiyay.”

Sidoo kale, waxay xukuumadda fartay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ku dhaqan goboladda Sanaag Iyo Sool “Xukuumadda waxaanu u sheegnay inay dadku la mid yihiin umaddaha kale ee reer Somaliland inay xuquuq u baahan yihiin inay u baahan yihiin in laga war hayo, inay u baahan yihiin in baahidooda la daboolo, inay u baahan yihiin in ciidankooda la hagaajiyo oo waanu u sheegnay, oo xukuumaddan waxa la yidhaahda Dhega la’a oo maaha mid wax maqasha.”

Dhinaca kale, waxaa kale oo ay ka jawaabeen hadalo kasoo yeedhay Siyaasi
Cali Khaliif Galeydh kaasi oo bulshada gobolada Sool iyo Sanaag ugu baaqay inay la dagaalamaan Somaliland oo ay mudo dhaw qabsan doonaan goboladaasi“Waxaan uga digeynaa (Cali Khaliif Maleeshiyadiisa)oo aanu halkan ka cadeynaynaa khasaare iyo dhibaato mooyee inaanay wax kale kala kulmi doonin”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Sheekh Cali Shabeel.

Comments are closed