Markii Sadexaad oo Madaxweynaha Turkiga Ordogen Booqasho ku Tegayo Magaalada Muqdisho
Muqdisho 01.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dalka Turkiga Raceb Tayeb Ordogen ayaa la filayaa inuu maalinta jimcaha booqashadiisii saddexaad ku yimaado caasimada dalka somaliya ee Muqdisho.
Madaxwayne Ordogan waxaa kale oo uu safarkiisa ku tagayaa wadamada Kenya iyo Uganda kuwaasi oo u kala hadlayo xidhiidhka dawlada Turkiga iyo wadamadaasi.
Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay imanayaa saraakiil dhinaca amaanka oo ka socda dalka Turkiga si ay usii hubiyaan goobaha uu booqanayo Madaxwayne Ordogan.
Madaxwayne Ordogan ayaa la kulmi doona madaxwaynaha iyo madaxda kala duwan ee dawlada Federaalka Somaliya inta uu joogo magaalada Muqdisho, dawlada Somaliya iyo turkiga midna ma sheegin mudadii uu ordagan magaalada Muqdisho joogay balse waxaa ay wararku sheegayaan inuu joogayo 8sacaadood oo ka mid maalinta Jimcaha.
Dalka Turkiga ayaa inta badan caawiya dawlada Somaliya kaasi oo wadankaasi ka hirgaliyay cisbitaalo, wadooyin iyo dhinacyada kaabayaasha bulshada.
Waa markii saddexaad ee madaxwayne Ordegan yimaado magaalada Muqdisho isagoo sanadihii 2011kii iyo 2015kii booqasho noocan oo kale ah ku yimid magaalada Muqdisho.