Qaybtii 3aad Qoddobadda Heshiiska Wareejinta Dekedda Berbera,Yay u Dan tahay Yayse ka Hor imanaysaa Dantiisa?
Hargaysa 30.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtii 3aad ee heshiska qaybta wareejinta dekedda, kaasoo laba qaybood aanu hore idiinku soo gudbinay. qaybtan oo ugu dambaysa 37 qodob oo waaxdani ka kooban tahay oo uu turjumay Dr Maxamed Siciid Xirsi waxay u dhigan tahay sidan;
— Qodobka lix iyo labaatanaad
Isbedel
Marka la siiyaha waajibaadkiisa ku xusan heshiiska wareejinta isbedel ku yimaado ay sababtay shuruuda bixiyaha ama Xukuumadu, ka dib taariikhda saxeexa heshiiskan, la siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu istaago halkii uu taagnaa isbedelka ka hor, taas oo keenaysa magdhawga bixiyaha oo ah in khidmadii wareejinta heshiiska uu bixiyo ama waqtiga la kordhiyo.
Qodobka todoba iyo labaatanaad
Magdhaw
La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu ka xoroobo, bixiyuhuna wuxuu xaq u yeelanayaa in uu is hortaago magdhaw, marka ay yimaadaan dhacdooyin cayiman oo ay ku jiraan (balse aan ku koobnayn) jebinta waajibaadkoodii heshiiska wareejinta ee bixiyaha ama xukuumada ama marka ay dhacdo siyaasadeed sii socoto.
Dhacdooyin siyaasadeed waxaa loola jeedaa:
- a)Cadaawad (ha noqdo ama yaanu noqon dagaal lagu dhawaaqay), qabsasho cadaw dibadeed, dagaal sokeeye, kacaan, kacdoon mucaarad hubaysan, inqilaab malateri, qalalaase rayid, argagixiso, baabi’in ama,
- b)Xairaad, go’doomin ama bandaw.
Qodobka sideed iyo labaatanaad
Dhacdooyinka soo socdaa waa kuwo la siiyuhu uu xor ka nqonayo masuuliyaddooda gudashada waajibaadyada heshiiska wareejinta, isla markaana aanuu xaq ugu yeelanayn bixiyuhu la siiyaha magdhaw:
1. Dab, qarax, danab. 2. Duufaan, daaddad, burqasho biyodo. · Dhul-gariir, dumis ama soo dhac. 1. Dikhaw Nukliyeer kiimikal ama bayoolaji ah (iyadoo ay tahay in aanu ku iman sabab dhacdo siyaasadeed). 2. Waxyeelo kasta ama baaba’a dekeda ama wadooyin u adeega dekeda oo ay sabab u tahay dhacdo la siiyuhu caymiskiisa hoos timaada. |
Qodobka sagaal iyo labaatanaad
Burinta heshiiska iyo cawaaqibka
Burin
Labada Dhinacba waxay xaq u leeyihiin in buriyaan heshiiskan wareejinta dekeda sabab la xidhiidha gudasho la’aan waajibaad sida ku qeexan heshiiskan wareejinta.
Dhinac kastaa wuxuu dhexdexaadin u gudbin karaa, tabasho ah in laga magdhabo khasaare la cadayn
karo oo ka dhashay burinta heshiiska.
Wixii la xidhiidha burinta heshiiska waa in lagu bixiyaa 90 casho gudahood taariikhda tirtirida heshiiskan wareejinta.
Cawaaqibka gudasha la’aanta bixiyaha ee tirtirida heshiiska:
Marka la eego burinta hore ee ka timi gudasha la’aanta bixiyaha; bixiyuhu waxaa waajib ku ah in uu bixiyo in ka badan:
- Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo,
- Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ka saraysa,
- a)Sicirka suuqa ee la sahamiyay,
- b)Qiimaha buugga Loo geeyay
1) Faa’iidadii la siiyaha ee ku salaysnayd mudada heshiiskan wareejintu dhamaanayo.
2) Xadiga u dhigma maalgelinta la siiyahu ku maalgeliyay saamilaydiisa oo ay ku jirto daynta uu sii horumariyay la siiyuhu. |
Cawaaqibka gudasha la’aanta la siiyaha ee tirtirida heshiiska:
Marka la eego burinta ka timi gudasha la’aanta la siiyaha, bixiyaha waxaa waajib ku ah in uu bixiyo in ka badan:
1) Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo
2) Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ah qiimo-dhimista (lagu heshiiyay) qiimaha go’an ee buugga.
Cawaaqibka tirtirada heshiiska ee arrin qadar alleh ah oo waqti dheer:
Haddii la siiyuhu hawsha dekeda socodsiin kari waayo, oo ay sabab u tahay arrin qadar Alleh ah oo taagnaata mudo ka badan 365 maalmood, markaa dhinac kastaa wuxuu xaq u yeelanayaa in uu tirtiro ama buriyo heshiiskan wareejinta, xaaladaas bixiyaha waxa waajib ku ah inuu bixiyo wax ka badan:
iii. Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo
- Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ka saraysa:
- c)Sicirka suuqa ee la sahamiyay;
- d)Qiimaha buugga;
Waxaa lagu darayaa xadiga u dhigma maalgelinta la siiyahu ku maalgeliyay saamilaydiisa oo ku jirto daynta uu sii horumariyay la siiyuhu.
Bixiyuhu masuul ugama noqonayo la siiyaha wax ka mid ah ama dhamaan khasaaraha faa’iidada uu heli lahaa mudada hadhay ee heshiiskan wareejinta iyo mudo kasta oo la kordhin lahaa.
Qodobka Sodonaad
Soo wareejinta dekeda iyo hawlaha raacaya ee burinta heshiiska wareejinta
Dhamaadka mudada ama burin kasta la siiyuhu wuxuu ku wareejinayaa bixiyaha dekeda hantidii la siiyay oo shaqaynaysa xaalad wanaagsana ku sugan, bixiyuhuna waa in uu aqbalaa cashuur ama dulsaar la’aan.
Qodobka kow iyo sodonaad
Wareejin/sii xilsaarasho mudada heshiiska
Dhinac kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wareejiyo danihiisa heshiiskan wareejinta.
|
La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu wareejiyo wax kasta oo ka mid ah amaanka hantida la siiyaha ee dekeda si uu ugu taageero maaliyadiisa.
Qodobka laba iyo sodonaad
Gacan-ku celin
La siiyuhu wuxuu gacanta ku celinayaa dekeda iyo hantida la siiyay oo xaaladoodu tahay sidii uu kula wareegay, iyadoo la tixgelinayo jeexmida, jabida iyo xumaanshaha marka la eego da’da ay jiraan hantidaasi. |
DPW waxay ogolaanaysaa barnaamijyada IT mudo kala guur ah dhamaadka heshiiska ka dib.
Qodobka sadex iyo sodonaad
Xukuumadu waxay damiin ka tahay waajibaadyada bixiyaha, gaar ahaan oo ay ku jiraan, balse aan ku koobnayn bixinta magdhawga burinta heshiiska ee la siiyaha sida uu dhigayo heshiiskan wareejintu.
Qodobka afar iyo sodonaad
Maalgelin
Xukuumada iyo bixiyuhu waxay aqoonsadeen in la siiyuhu dhaqaale u raadin karo, maalgelintiisa dekeda, sidaa ay xukuumada iyo bixiyuhu u ogolaadeen inay galaan dekumentiyo damaanadeed iyo kuwo u xil-saarid (oo ay ku jiraan u xil-saarasho heshiis bixin iyo heshiisyo adeegyo dekedeed), iyadoo amaah bixiyayaasha la siiyuhu si maangal ah ugu baahan karaan dheeraad, markaa Xukuumada iyo bixiyuhu hadii loo baahdo waxay heshiisyo toos ah la geli karaan amaah bixiyayaasha la siiyaha, qaab lagu kabayo heshiiska wareejinta.
Qodobka shan iyo sodonaad
Xeerka la dabaqayo
Heshiiska wareejinta waxaa loo raacayaa xeerarka Egland.
Qodobka Lix iyo sodonaad
Khilaaf xalin
Haddii wax khilaaf ah ama dacwad ah ama is qabsi ama is maandhaaf nooc kasta oo khilaaf uu ka dhex abuurmo dhinacyada oo ku saabsan heshiiskan ama jebin heshiis yimaada, waxay dhinacyadu isku deyayaan in qaab saaxiibtinimo ku dhameeyaan khilaafkooda (30) casho gudahood oo ka bilaabanaysa maalinta dhinacyada midkood ogaysiiyo dhinaca kale. |
Hadii khilaafkaa ay dhinacyadu wada-hadal ku xalin kari waayaan mudadaa (30) casho ah ama waqti kasta oo dheeraada, waxaa arrinta loo gudbinayaa dhexdhexaadin ay samaynayaan labada shirkadood ee Imaarada Dubai ee kala ah DIFC & L-CIA, si waafaqsan xeer-hoosaadyadooda.
Qodobka Todoba iyo sodonaad
Qodobbo udub-dhexaad ah
Dhinacyadu waxay kaloo ku heshiiyeen in ay heshiiskooda wareejinta ay ku jiraan qodobbada udub-dhexaadka ah (Biolerplate) ee soo socda:
- Sir xafidaad
- Metelaad ku dhisan karti iyo ogolaansho;
- In dhinac kastaa qaado kharashka wadahadalka iyo fulinta heshiiska;
- In aan dhanbaalo la baahin iyadoo aan dhinaca kale ogolaan;
- Ogaysiimaha
- Ka xayuubinta bixiyaha ee xasaanada is xukunka;
- Heshiiska oo dhan;
- Ka xayuubin la’aan;
- Qaybsan-gelid;
- Xaqiijin dheeraada;
- Wax ka bedel
- Masuuliyad qaadis la’aan khasaaraha muhiimka ah ee aan si cad loogu sheegin heshiiska wareejinta;
- Ka damaanad qaadis dacwad dhinac sadexaad;
- Isu-dhignaan;
- Dhinacyada hoos ku xusan, waxay isla garteen in aan heshiiskan hordhaca ah (Term-sheet) aanu sinaba u bedelayn ama loogu qaadan karin heshiis wareejin ama bixin. Heshiiskan hordhaca ahi wuxuu ka tarjumayaa xaalada taagan ee wadahadalada ee la xidhiidha heshiiska wareejinta, balse haddii dhinacyadu isku raaci waayaan qodobbada dhiman ee heshiiska markaa loo qaadan maayo heshiis. Heshiiskan hordhaca ahi dabar sharci uma yeelanayo dhinacyada.
- Waxaa u saxeexay………….
- DP World FZE
- Waxaa u Saxeexay…….
- Maamulka Dekeda Berbera
Tarjumaadan, waxa sameeyay garyaqaan Max’ed Siciid Xirsi, waxaan helay nuqul meelo badan ka baaba’san, waxaan isku deyay in aan nuxur ahaan tarjumo qodobbada heshiiska waxaan ka cudur daaranayaa wixii khalad ah farsamo ah ee ku jiri karta turjumaadan oo u kasin, waxaana codsanayaa in ay i soo saxdo cidii wax khalad ah ku aragta, tarjumaadani maaha mid tasmi ah balse waa mid shakhsi ah. Qodobka Tobnaad
Waajibaadka la siiyaha ee hawlgalka dekeda
La siiyuhu wuxuu masuul ka noqonayaa hawlgelinta iyo dayactirka dekeda si waafaqsan hab-dhaqanka Caalamiga ah ee lagu qeexay heshiiskan wareejinta.
Qodobka kow iyo tobnaad
Bixinta fiiga (khidmada) iyo xaqul-qalinka
Xaqul qalin 15 milyan oo Dollar ah, waxaa 5 milyan oo ka mid ah lagu bixinayaa oo lagu taageerayaa bixiyaha si uu hawlihiisa ugu qabsado oo ay ku jirayaan taag, 10 milyanna waa kaash.
Fiiga ama khidmada wareejinta ee la siiyuhu siinayo bixiyaha waxay ka kooban yihiin: 1. a)Khidmad xadidan oo aan is bedelayn oo 5 milyan oo doolar ah sanadkii (oo aan taxnaan doonin); iyo 2. b)Khidmad is bedesha oo 10% ka ah dakhliga la siiyuhu ka ururiyo hawlgalka dekeda. |
Qodobka laba iyo tobnaad
Tacriifadaha
La siiyuhu wuxuu u yeelanayaa xoriyad buuxda dejinta, wax ka bedelka, cashuurida, ururinta, ka khafiifinta tacriifadaha isticmaalka iyo macaamiisha dekeda iyo bixinta adeegyda sida waafaqsan qodobbada qaybtan. La siiyuhu wuu faafinayaa tacriifadahooda ku quman adeegyada dekeda ee ay bixiyaan.
La siiyuhu wuxuu kordhin karaa oo keliya tacriifadahaa uu faafiyay labadii sanoba mar, sidaana marka uu samaynayo wuxuu la tashanayaa xukuumada, wuxuuna xaqiijinayaa in tacriifadahaasi ay la tartami karaan adeegyada dekedaha dalalka jaarka. |
La siiyuhu wuxuu xor u yahay in uu isagu ka urursado tacriifadaha macaamiisha ama ay u ururiso hay’ad ururin. Xukuumadu waxay xilqaadaysaa in uu helo ama in ay siiso ogolaanshaha looga baahan yahay ujeedadaas.
Qodobka sadex iyo tobnaad
Shaqaalaha
La siiyuhu laga bilaabo maalinta wareejinta wuxuu shaqaale u qaadanayaa shaqaalihii hore ee dekeda uga shaqaynayay (marka laga reebo shaqaale cayiman oo bixiyaha lagu wareejinayo), shaqaalaha dekeda ee la siiyuhu si macquul ah ugu arko in ay ku haboon yihiin u tartamida jago cayiman, waxaa lala gelayaa heshiis cusub oo aan ka dhaqaale yarayn, tii ay hayeen wareejinta ka hor. |
Bixiyuhu wuxuu la siiyaha ka damaanad qaadayaa dacwad kasta oo shaqaale la xidhiidha oo ka horaysay taariikhda wareejinta.
Qodobka afar iyo tobnaad
Adeegyada bixiyaha
Bixiyuhu wuxuu siinayaa la siiyaha ama macaamiisha adeegyada dekedeed ee soo socda ee inta dekeda dhexdeeda ah:
- Maamulka socodka maraakiibta.
- Xakamaynta Badeecadaha khatarta ah si waafaqsan xeer-nidaamyada IMO.
- Gargaarka badmaaxida. soo hogaaminta maraakiibta ku soo xidhanaysa dekeda.
- Ka jiidista iyo ku soo jiidista maraakiibta dekeda.
- Ku xidhida iyo ka furida dekeda.
- Ka hortaga iyo bakhtiinta dabka ee badda.
- Adeegyada baroosin dhigashada.
- Qodista badda.
- Ku soo xidhista dekeda.
La siiyaha iyo bixiyuhu waxay heshiis ka gelayaan bixinta adeegyadaa, isagoo bixiyuhu adeegyadaa u wakiilanaya la siiyaha.
Bixiyaha ayaa adeegyadaa cashuuraya si waafaqsan tacriifadaha hadda jira ee dekeda Berbera, marka aanay adeegyada qaarkood ku jirin tacriifadaha hadda ee dekeda berbera qiimaha waxaa goynaya bixiyaha.
Khidmada soo xidhida ee dekeda hadda jirta iyo ta cusub waxaa cashuuraya bixiyaha. |
Bixiyuhu wuxuu adeegyadaa dekedeed u cashuuraya sida ugu wanaagsan ee la tartamaysa dekedaha kale ee Gobolka oo ay ku jiraan, balse aan ku koobnayn dekedaha Saylac, Bulaxaar, Ceel-sheekh, Maydh iwm.
Qodobka shan iyo tobnaad
Xukuumadu waxay ogolaatay in ay bixiso ama sababto in la bixiyo adeegyadan soo socda:
1. Adeegyada bixiyuhu ka mid yihiin waa in la siiyaa la siiyaha iyadoo saacado ku salaysan. 2. Biyaha waa in lagu bixiyaa qiimo aan ka sarayn qiimaha ay shirkadaha kale ee dekeda iyo aageeda ka aasaasani ku bixinayaan. iii. Xukuumadu waxay bixinaysaa ama sababaysaa in la bixiyo adeegyada isgaadhsiineed oo ay ku bixinayso tacriifadaha la faafiyay. |
La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu dhashado korontada dekeda lagu isticmaalayo.
Qodobka lix iyo tobnaad
Shaqada balaadhinta
La siiyuhu wuxuu u samaynayaa kor u qaadista iyo shaqada balaadhinta dekeda hadda jirta, sidan soo socota:
Wejiga 0: (Islamarkaba), xoojinta dekeda, dayactirka barxada, dhismayaasha, keenida 3 wiish dekedeed oo guurguura, 5 raseeye, 3 faaruq qaade, 18 ITV iyo sidoo kale nidaam cusub oo hawlgal, IT iyo xoojin amaan oo ay ugu badnaan ku baxayso 62m$ (Laba iyo lixdan Milyan oo Dollar). Wejiga 1: Bilawga naqshadaynta iyo dhismaha deked cusub oo 400m ah iyo barxad 25hectar ah oo loo bilaabayo sida ugu macquulsan, 3 markab wiish iyo 7 wiish oo taayiro rabadh ah leh oo ay ku baxayso ugu badnaan 170m$ (Boqol iyo todobaatan Milyan oo Dollar). |
Wejiga 2: (Marka uu gaadho isticmaalka dekeda cusubi 75%) waxa la samaynayaa deked kale oo fidin ah oo cabirkeedu yahay 400m, barxad 25ha ah, 3 markab wiish iyo 7 wiish oo taayiro rabadh ah leh oo ay ku baxayso ugu badnaan 210m$ (Laba boqol iyo toban Milyan oo Dollar).
La siiyuhu wuxuu xaqiijinayaa in dhamaan heshiisyada qalabka balaadhinta si madaxbanaan oo lagu tartamo loo bandhigo.
Qodobka todoba iyo tobnaad
Shaqooyinka Xukuumada
Xukuumadu waxay xilqaadaysaa bixinta ruqsadaha iyo ogolaanshaha looga baahan yahay shaqada fidinta dekeda iyo in ay sugto amaanka dekeda.
Qodobka sideed iyo tobnaad
Cashuur iyo gunooyin
La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay in lagu kaalmeeyo cashuur dhaaf 100% tobonka sano ee ugu horeeya iyo 50% shanta sano ee ku xigta. |
La siiyaha waajib kuma aha in uu bixiyo cashuur kastam, cashuur kale oo toos ah ama dadban mudada shaqada fidinta.
Qodobka sagaal iyo tobnaad
Dayactir
La siiyuhu wuxuu qaadayaa masuuliyada hagaajinta iyo dayactirka macquulka ah ee loo baahan yahay in xaalad wanaagsan oo waafaqsan habdhaqanka caalamiga ah, lagu sameeyo dhamaan hantida guurtada ah iyo adeegayaasha dekeda ee la xidhiidha waxyeelada caadiga ah iyo waxyeelada qadarka Alleh, iyagoo adeegsanaya qalab tayo wanaagsan, kuwaas oo kharashkooda ay isu qabayaan.
Qodobka labaatanaad
Ogolaanshaha iyo ruqsadaha
Xukuumaddu waqti kasta mudada heshiiska ee la cayimay, waxay wareejinaysaa, helaysaa, cusboonaysiinaysaa dhamaan ogolaanshaha loo baahan yahay ee magaca ama danta la siiyaha. bixiyaha iyo la siiyuhu waxay Dawlada arrintaa ka siinayaan caawimada loo baahan yahay.
Qodobka kow iyo labaatanaad
La siiyuhu wuxuu ka masuul yahay in uu dayrista nidaamka ammaanka gudaha Dekedda.
Xukuumaduna waxay masuul ka tahay dhamaan amaanka dibada dayrka oo ay ku jiraan: 1. Amaanka dhulka la jaarka ah iyo dhulka ka baxsan dayrka aaga dekeda. 2. Badda la jaarka ah ee ka baxsan aagaa iyadoo u maraysa ilaalada xeebaha ama wax u dhigma. |
Ka hortaga argagixisada, af-duubka, baabi’inta iyo falalka la nooc ah si waafaqsan Xeerka ISPS.
Qodobka laba iyo labaatanaad
Siin qandaraas
La siiyuhu wuxuu awood u leeyahay inuu qandaraas siiyo dhinac sadexaad. Siinta qandaraasku kama dulqaadayso la siiyaha waajibaadka aasaasiga ah ee bixiyaha ee ku cad heshiiska wareejinta, bixin qandaraas kastaana waa in uu dhacaa si waafaqsan xeerarka dhaqangalka ah.
Qodobka sadex iyo labaatanaad
Sii bixin
La siiyaha waxaa loo ogolaaday sii bixin dekeda dhexdeeda ah, iyadoo bixiyuhu ogolaanayo (ogolaanshahaa waa in aan laga noqon, lana habsaamin).
Qodobka afar iyo labaatanaad
Caymis
La siiyuhu wuxuu helayaa oo yeelanayaa caymis si waafaqsan hab-dhaqanka caalamiga ah, iyadoo la tixgelinaya dhamaan duruufaha.
Qodobka shan iyo labaatanaad
Sharci bedel
Haddii ka dib dhaqangelinta heshiiskan wareejinta bedelaad shuruuceed muuqato, si kalena aanay u iman gudasha la’aanta bedelaada shuruucdu:
1. La siiyaha ku kordhiso kharash ama ka yarayso dakhli, ama 2. La siiyaha ka yarayso kharash ama u kordhiso dakhli, ama · Ay saamayso awooda la siiyaha ee gudashada waajibaadyada heshiiska wareejinta, Markaa: 1. La siiyuhu ma gelayo jebin heshiiskan oo ku saabsan wax heshiiskan wareejinta ka mid ah oo uu awoodi kari waayay gudashadiisa sababtaa darteed. |
La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa in looga magdhabo isbedelkaa uu sababay bedelka shuruucdu.
Qodobka lix iyo labaatanaad
Isbedel
Marka la siiyaha waajibaadkiisa ku xusan heshiiska wareejinta isbedel ku yimaado ay sababtay shuruuda bixiyaha ama Xukuumadu, ka dib taariikhda saxeexa heshiiskan, la siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu istaago halkii uu taagnaa isbedelka ka hor, taas oo keenaysa magdhawga bixiyaha oo ah in khidmadii wareejinta heshiiska uu bixiyo ama waqtiga la kordhiyo.
Qodobka todoba iyo labaatanaad
Magdhaw
La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu ka xoroobo, bixiyuhuna wuxuu xaq u yeelanayaa in uu is hortaago magdhaw, marka ay yimaadaan dhacdooyin cayiman oo ay ku jiraan (balse aan ku koobnayn) jebinta waajibaadkoodii heshiiska wareejinta ee bixiyaha ama xukuumada ama marka ay dhacdo siyaasadeed sii socoto.
Dhacdooyin siyaasadeed waxaa loola jeedaa:
- a)Cadaawad (ha noqdo ama yaanu noqon dagaal lagu dhawaaqay), qabsasho cadaw dibadeed, dagaal sokeeye, kacaan, kacdoon mucaarad hubaysan, inqilaab malateri, qalalaase rayid, argagixiso, baabi’in ama,
- b)Xairaad, go’doomin ama bandaw.
Qodobka sideed iyo labaatanaad
Dhacdooyinka soo socdaa waa kuwo la siiyuhu uu xor ka nqonayo masuuliyaddooda gudashada waajibaadyada heshiiska wareejinta, isla markaana aanuu xaq ugu yeelanayn bixiyuhu la siiyaha magdhaw:
1. Dab, qarax, danab. 2. Duufaan, daaddad, burqasho biyodo. · Dhul-gariir, dumis ama soo dhac. 1. Dikhaw Nukliyeer kiimikal ama bayoolaji ah (iyadoo ay tahay in aanu ku iman sabab dhacdo siyaasadeed). 2. Waxyeelo kasta ama baaba’a dekeda ama wadooyin u adeega dekeda oo ay sabab u tahay dhacdo la siiyuhu caymiskiisa hoos timaada. |
Qodobka sagaal iyo labaatanaad
Burinta heshiiska iyo cawaaqibka
Burin
Labada Dhinacba waxay xaq u leeyihiin in buriyaan heshiiskan wareejinta dekeda sabab la xidhiidha gudasho la’aan waajibaad sida ku qeexan heshiiskan wareejinta.
Dhinac kastaa wuxuu dhexdexaadin u gudbin karaa, tabasho ah in laga magdhabo khasaare la cadayn
karo oo ka dhashay burinta heshiiska.
Wixii la xidhiidha burinta heshiiska waa in lagu bixiyaa 90 casho gudahood taariikhda tirtirida heshiiskan wareejinta.
Cawaaqibka gudasha la’aanta bixiyaha ee tirtirida heshiiska:
Marka la eego burinta hore ee ka timi gudasha la’aanta bixiyaha; bixiyuhu waxaa waajib ku ah in uu bixiyo in ka badan:
- Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo,
- Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ka saraysa,
- a)Sicirka suuqa ee la sahamiyay,
- b)Qiimaha buugga Loo geeyay
1) Faa’iidadii la siiyaha ee ku salaysnayd mudada heshiiskan wareejintu dhamaanayo.
2) Xadiga u dhigma maalgelinta la siiyahu ku maalgeliyay saamilaydiisa oo ay ku jirto daynta uu sii horumariyay la siiyuhu. |
Cawaaqibka gudasha la’aanta la siiyaha ee tirtirida heshiiska:
Marka la eego burinta ka timi gudasha la’aanta la siiyaha, bixiyaha waxaa waajib ku ah in uu bixiyo in ka badan:
1) Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo
2) Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ah qiimo-dhimista (lagu heshiiyay) qiimaha go’an ee buugga.
Cawaaqibka tirtirada heshiiska ee arrin qadar alleh ah oo waqti dheer:
Haddii la siiyuhu hawsha dekeda socodsiin kari waayo, oo ay sabab u tahay arrin qadar Alleh ah oo taagnaata mudo ka badan 365 maalmood, markaa dhinac kastaa wuxuu xaq u yeelanayaa in uu tirtiro ama buriyo heshiiskan wareejinta, xaaladaas bixiyaha waxa waajib ku ah inuu bixiyo wax ka badan:
iii. Dhamaan qiimaha masuuliyadaha dhinaca sadexaad oo ay ku jiraan daynta la siiyaha iyo kharash kasta oo kala go’a ka yimi iyo
- Qiimaha la siiyaha ee bixinta hantida dekeda oo ka saraysa:
- c)Sicirka suuqa ee la sahamiyay;
- d)Qiimaha buugga;
Waxaa lagu darayaa xadiga u dhigma maalgelinta la siiyahu ku maalgeliyay saamilaydiisa oo ku jirto daynta uu sii horumariyay la siiyuhu.
Bixiyuhu masuul ugama noqonayo la siiyaha wax ka mid ah ama dhamaan khasaaraha faa’iidada uu heli lahaa mudada hadhay ee heshiiskan wareejinta iyo mudo kasta oo la kordhin lahaa.
Qodobka Sodonaad
Soo wareejinta dekeda iyo hawlaha raacaya ee burinta heshiiska wareejinta
Dhamaadka mudada ama burin kasta la siiyuhu wuxuu ku wareejinayaa bixiyaha dekeda hantidii la siiyay oo shaqaynaysa xaalad wanaagsana ku sugan, bixiyuhuna waa in uu aqbalaa cashuur ama dulsaar la’aan.
Qodobka kow iyo sodonaad
Wareejin/sii xilsaarasho mudada heshiiska
Dhinac kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wareejiyo danihiisa heshiiskan wareejinta.
|
La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu wareejiyo wax kasta oo ka mid ah amaanka hantida la siiyaha ee dekeda si uu ugu taageero maaliyadiisa.
Qodobka laba iyo sodonaad
Gacan-ku celin
La siiyuhu wuxuu gacanta ku celinayaa dekeda iyo hantida la siiyay oo xaaladoodu tahay sidii uu kula wareegay, iyadoo la tixgelinayo jeexmida, jabida iyo xumaanshaha marka la eego da’da ay jiraan hantidaasi. |
DPW waxay ogolaanaysaa barnaamijyada IT mudo kala guur ah dhamaadka heshiiska ka dib.
Qodobka sadex iyo sodonaad
Xukuumadu waxay damiin ka tahay waajibaadyada bixiyaha, gaar ahaan oo ay ku jiraan, balse aan ku koobnayn bixinta magdhawga burinta heshiiska ee la siiyaha sida uu dhigayo heshiiskan wareejintu.
Qodobka afar iyo sodonaad
Maalgelin
Xukuumada iyo bixiyuhu waxay aqoonsadeen in la siiyuhu dhaqaale u raadin karo, maalgelintiisa dekeda, sidaa ay xukuumada iyo bixiyuhu u ogolaadeen inay galaan dekumentiyo damaanadeed iyo kuwo u xil-saarid (oo ay ku jiraan u xil-saarasho heshiis bixin iyo heshiisyo adeegyo dekedeed), iyadoo amaah bixiyayaasha la siiyuhu si maangal ah ugu baahan karaan dheeraad, markaa Xukuumada iyo bixiyuhu hadii loo baahdo waxay heshiisyo toos ah la geli karaan amaah bixiyayaasha la siiyaha, qaab lagu kabayo heshiiska wareejinta.
Qodobka shan iyo sodonaad
Xeerka la dabaqayo
Heshiiska wareejinta waxaa loo raacayaa xeerarka Egland.
Qodobka Lix iyo sodonaad
Khilaaf xalin
Haddii wax khilaaf ah ama dacwad ah ama is qabsi ama is maandhaaf nooc kasta oo khilaaf uu ka dhex abuurmo dhinacyada oo ku saabsan heshiiskan ama jebin heshiis yimaada, waxay dhinacyadu isku deyayaan in qaab saaxiibtinimo ku dhameeyaan khilaafkooda (30) casho gudahood oo ka bilaabanaysa maalinta dhinacyada midkood ogaysiiyo dhinaca kale. |
Hadii khilaafkaa ay dhinacyadu wada-hadal ku xalin kari waayaan mudadaa (30) casho ah ama waqti kasta oo dheeraada, waxaa arrinta loo gudbinayaa dhexdhexaadin ay samaynayaan labada shirkadood ee Imaarada Dubai ee kala ah DIFC & L-CIA, si waafaqsan xeer-hoosaadyadooda.
Qodobka Todoba iyo sodonaad
Qodobbo udub-dhexaad ah
Dhinacyadu waxay kaloo ku heshiiyeen in ay heshiiskooda wareejinta ay ku jiraan qodobbada udub-dhexaadka ah (Biolerplate) ee soo socda:
- Sir xafidaad
- Metelaad ku dhisan karti iyo ogolaansho;
- In dhinac kastaa qaado kharashka wadahadalka iyo fulinta heshiiska;
- In aan dhanbaalo la baahin iyadoo aan dhinaca kale ogolaan;
- Ogaysiimaha
- Ka xayuubinta bixiyaha ee xasaanada is xukunka;
- Heshiiska oo dhan;
- Ka xayuubin la’aan;
- Qaybsan-gelid;
- Xaqiijin dheeraada;
- Wax ka bedel
- Masuuliyad qaadis la’aan khasaaraha muhiimka ah ee aan si cad loogu sheegin heshiiska wareejinta;
- Ka damaanad qaadis dacwad dhinac sadexaad;
- Isu-dhignaan;
- Dhinacyada hoos ku xusan, waxay isla garteen in aan heshiiskan hordhaca ah (Term-sheet) aanu sinaba u bedelayn ama loogu qaadan karin heshiis wareejin ama bixin. Heshiiskan hordhaca ahi wuxuu ka tarjumayaa xaalada taagan ee wadahadalada ee la xidhiidha heshiiska wareejinta, balse haddii dhinacyadu isku raaci waayaan qodobbada dhiman ee heshiiska markaa loo qaadan maayo heshiis. Heshiiskan hordhaca ahi dabar sharci uma yeelanayo dhinacyada.
Dhinaca kale falanqaynta iyo lafagurka heshiiskan khasaare iyo faa,iido, siyaasiyan iyo dhaqaale ahaan iyo guud ahaan arrimaha saamaynta ku leh kala soco Qurbejoog.com.