Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Meesha Ka Saaray In Heshiiska Dekeda Berberi Dhibaato Ku Yahay Jabuuti DAAWO
Hargaysa 30.May 2016 (SDN/QJ):- Guddomiyaha ahna Musharaxa Xisbiga KULMIYE Md: Muuse Biixi Cabdi ayaa meesha ka saaray in heshiiska maalgalinta dekedda berbera ee dhawaan xukuumdu la gasho Shirkada D.P World ay dhibaato ku tahay qaar katirsan dalalka jaarka .
Guddomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in dad cadaw ku ah Heshiiskan ay gaadheen D.P World ay faafiyeen dacaayado raqiisa oo ayku sheegeen inuu waxyeelo u gaysanayo dalal aanu carabaabin oo jaarka ah ,taa badalkeedana waxa uu Guddomiyuhu sheegay inuu maalgashigani horumar balaadhan ka gatsan doono guud ahaan gobolka geeska Afrika waxaanu yidhi Guddomiyuhu “Dhawaan Dawladaha Somaliland iyo Immaradka Carabtu gaar ahaan Shirkada D. P World waxa uu heshiiskaasi noqonayaa mid wax u so kordhinaya guud ahaan geeska afrika oo dhan”.
Waxa kale oo uu Guddomiyuhu si gaara uga hadlay xidhiidhka iyo horumarka dhaqaale ee heshiiska D.P World ka gaysan karo dalalka Itobiya iyo Somaliland “Maanata Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo xidhiidh xooglihi ka dhaxeeyo ,gaar ahaana dhinaca dhaqaalaha waxaanan filaynaa in mustaqbalka dhaw in Somaliland qayb wayn ka qaadan doonto isku xidhka dhaqaalaha labada dal iyadoo aynu filaynu inuu hirgalo mashruucii Berbera Corriror”ayuu yidhi Musharax Muuse Biixi Cabdi.