|

“Anigu Xagayga Madaxwaynaha Tanaasul Maan Idhaahdeen Laakiin Sharaf Buu Sameeyay ILLahay Baa Madaxnimo U Abuuray”Xaaji Cabdi Waraabe

Hargaysa 30.May 2016 (SDN/QJ):-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa ka hadlay tanaasulka Musharaxnimo ee Madaxwayne Siilaanyo waxaanu sheegay xaajigu inaanu  isagu madaxwaynha kula talin ,inuu tanaasulo balse uu si sharaf leh ku tanaasulay  waxaanu ku taliyay in madaxwaynha ka danbeeyaa uu sidiisoo kale noqdo .

XAAJI CABDI WARAABEXaajiga oo arrintasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu Xagayga Madaxwaynha Tanaasul maan yidhaahdeen ,laakiinse si sharaf  leh buu sameeyay ,dadka xiisaha u qaba kursigow  wuxuu dhigay Madaxwaynuhu  ,Madaxwaynha ka danbeeyaa wuxuu qabto aynu eegno ,waxaan taliyo la aragye waxaan taro hala arko ayuu joogaa (Madaxwaynaha) bal madaxwaynha ka danbeeyaa wuxuu qabto aynu aragno  ,isagu halkii uu ka qaaday  waynu aragnaaye,kolkii horana  jabhadii SNM ee Itoobiya gashay buu ka soo qaday oo aanu nina xadhig kaga iman ,oo aanu nin dilin oo uu nabad galyo ku wareejiyay maantana nabadgalyo ayuu ku wareejinayaa ,ILLaahay baa madaxnimo u abuuray inta uu nool yahayna waa madax  inshalah Madaxwaynha ka danbeeyana mid khayr qabuu noqon”ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf.

Comments are closed